Ma Khilaaf Ayaa Ka Dhaxeeya Madaxda Ugu Saraysa Puntland?

0
Monday October 28, 2019 - 19:00:43 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1754
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma Khilaaf Ayaa Ka Dhaxeeya Madaxda Ugu Saraysa Puntland?

    Waxaa maalmahan la isla dhex marayay warar ku saabsan in khilaaf uu hareeyay madaxda ugu sarreysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa maalmahan la isla dhex marayay warar ku saabsan in khilaaf uu hareeyay madaxda ugu sarreysa

Dowlad Goboleedka Puntland, isla markaana uu jiro dadaal lagu diyaarinayo mooshin ka dhan ah guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaas.


Waxaa si gaar ah loo xusay inuu ismari waa u dhaxeeyo madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo guddoomiyaha golaha baarlamaanka Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed).



BBC-da ayaa wareysi gaar ah la yeelatay guddoomiyaha oo sharraxaad ka bixiyay waxyaabo badan oo la hadal hayo.

Ugu horreyn wuxuu gaashaanka u daruuray khilaaf la sheegayo inuu kala dhaxeeyo madaxweynaha.


"Aniga iyo madaxweynaha isma hayno, meel aan isku qabanayna ma jirto, meel ay wax nagu dhex mareen oon ku kala tagnay ma jirto, madaxweynaha dhiniciisa in ay wax jiraanna u malayn maayo, way dhacdaa marmarka qaarkood in dadka ay wax kala fahmaan, afkaarahana lagu kala duwanaado", ayuu yidhi.


Dhinaca kale wuxuu guddoomiye Cabdixakiin(Doobo Daareed) sheegay inuu qabo in madaxda Puntland ay u siman yihiin awoodda maamulka.


"Saddex kursi baa ugu sarreeya waddanka, waxayna kala yihiin guddoomiyaha baarlamaanka, madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka. Inay isku mid yihiin saddexaas kursi waa wax sax ah, waana arrin iyada laftigeedu dib u eegis u baahan, oo xitaa u baahan dhisiddii Puntland wax ku saleysan. Waxani waa awood qeybsi, awoodduna ma kala hooseyso, dastuurku waa wax la diyaariyay waana in la isugu laabto dib. Kuraastu waa in ama hoos la isugu keeno ama kor la isugu geeyo oo la wada simo awooddooda", ayuu yidhi guddoomiyaha.


Waxaa kale oo uu guddoomiyaha ka hadlay warar sheegayay in uu ka cabsi qabo in laga keeno mooshin xil ka qaadis ah, wuxuuna arrintaas uga jawaabay "Wadnaha farta kuma hayo, kursigani wuxuu ahaa hadaf aan lahaa oon xaqiijiyay, labo jeer oo hore baan u tartamay, dadka waxaan baray in siyaasadda loo sabro, mar sadexaadkiina waan ku guuleystay, balse aad duma caashaqsani inaan kursiga ku adeygo oo aan iraahdo kursigan ayaan fadhiyayaa".


Hase yeeshee wuxuu dhanka kale sheegay inuu ku qanci doono haddii xildhibaannada uu mas'uuliyadda u hayo ay raalli ka noqon waayaan howshiisa.


"Kursigan inta aan ku fadhinayo waa wax Alle xagiisa ka qoran, kumana xirna qof ila jecel iyo qof ila neceb toona. Laakiin waxaan aaminsanahay inaan umadda mas'uuliyadda aan u qaaday ugu shaqeeyo kuna matalo. Haddii golaheygu ay u arkaan inaanan hoggaamin karin ama shaqada ay ii igmadeen aanan ku filneyn iyagaa ii sheegi kara iyagoon codba ii qaadin, waana kasoo dagayaa xagga dambe ayaana fariisanayaa".


Arrimaha Puntland iyo Dowladda Federaalka

Guddoomiyaha ayaa ka hadlay arrimaha xiriirka Puntland iyo Federaalka, wuxuuna yiri:

"Xiriir la goyn karaa ma jiro, xiriir la gooyayna ma jiro, tusaale ahaa; arrimaha doorashooyinka dalka, shalay baan qudbadayda ku sheegay, cid gaar ah oo go'aan ka qaadan kartaa ma jirto, wada tashi ayaan ka yeelanaynaa annaga oo Puntland ah".


Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Puntland ayaa si weyn usoo shaac baxday ka dib markii maalintii Sabtida ahayd uu madaxweyne Deni ka baxay kulankii furitaanka kalfadhigii 45-aad ee baarlamaanka Puntland, isagoo "ka careysan" hadal uu xildhibaan yidhi.


Deni ayaa u muuqday inuu "aad uga xanaaqay" eedeymo dhinaca amni darrada ah oo xukuumaddiisa loo jeediyay iyo dalab ku aaddanaa inuu iscasilo.


BBC



Loading...
Loading...