Mudaharaado Loogu Hiilinayo Muwaadiniinta Qoyska Madaxweyne Muuse Ka Qaadayaan Dhulka Oo La Iclaamiyey.

0
Monday October 28, 2019 - 14:09:15 in News by
  • Visits: 4905
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mudaharaado Loogu Hiilinayo Muwaadiniinta Qoyska Madaxweyne Muuse Ka Qaadayaan Dhulka Oo La Iclaamiyey.

    Mudaharaado Loogu Hiilinayo Muwaadiniinta Qoyska Madaxweyne Muuse Ka Qaadayaan Dhulka Oo La Iclaamiyey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mudaharaado Loogu Hiilinayo Muwaadiniinta Qoyska Madaxweyne Muuse Ka Qaadayaan Dhulka Oo La Iclaamiyey.

 


Hargeysa(HWN):-Shacabka somaliland ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey cadho xoog leh ka muujiyey qorshayaal ka soo fulaya qoyska madaxweyne Muuse Biixi kuwaas oo la xidhiidha dhul laga qaadayo qoysas tiradoodu gaadhayso 60 iyo macalin ehelada madaxweynuhu ku qabsadeen guri uu ka dhisanayey magaalada Hargeysa.

Image result for madaxweyne muuse biixi iyo dhulka buurta kala jeexan


Proff Cabdi Cali Jaamac oo ka mid ah aqoonyahanka somaliland ayaa iclaamiyey mudaharaad lagaga soo horjeedo qorshayaasha dhulka ee qoyska madaxweyne Muuse Biixi ku kacayeen mudooyinkii ugu dambeeyey, waxaanu faah faahin ka bixiyey qaabka uu mudaharaadku u dhacayo.


Qoraal uu soo saaray Proff Cabdi Cali ayuu sidoo kale ku shaaciyey wakhtiga uu dhacayo mudaharaadku iyo waxaanu qoraalkiisa ku yidhi:-


Waa maxay sababta 13 Nov aan ugu beegnay taageerada Face-book ga ee macallinka iyo dadka la barakacinayo!!!


Sababao badan ayaynu sidaa u yeelay:


1-in muddadaas ka hadhay oo dhan dhawr iyo toban cisho ay fursad u noqoto dhinaca kale in uu sheegto wuxu ka qabo wixii ay inoo sheegeen macallinkii iyo dadkii cabanayay, mar haddii ay media ha soo gaadhay. Illaa hadda may beenin sida macallinka loola dhaqmay iyo gabaddha ummusha ah ba!!!; waxa laga hadlayaa ma aha hanti dhul ama midlacageed; waxa ka muhiimsan sida loola dhaqmayo qofka muwaadinka ah iyo awoodda dawladeed ee loo isticmaalayo, taasoo ah mid dadka ka dhaxaysa!!!; Qaato adduunka oo sharafta nooga taga, iyadaa nagu filane.


2- in xal yimaaddo muddadaas, oo Ilaahay faraj furo!!! xaalna la siiyo dadkii masaakiinta ahaa!!!


3-in aynu helno waqti innagu filan oo aynu isku gaadhsiino farriinta, una diyaar garawno. Tani waxay ka soo horjeedaa sida dadkeena caadada u ah ee aanay waxba sii qorshayn, taas oo qof kastaa iyo koox kastaa ay doonto in ay fuliso waxay ku fikirto isla beri.


4- Ugu danbayntii, waxaynu u xulanay 13 Nov, maadaama maalintaas ay ku beegan tahay maalintii aynu u dareernay codka ee aynu innaga iyo dadka sidaa loola dhaqmayaaba aynu codkeena siinay xisbi xaakimka iyo dabcan xisbiyada kaleba.


Cabdo; ku dhaqanka sharciga iyo maamul wanaagga.

Loading...
Loading...