Dablay Hubaysan Oo Weerar Ku Qaaday Saldhiga Boorama Iyo Xukuumada Oo Afka Ka Xidhatay

0
Monday October 28, 2019 - 12:28:15 in News by
  • Visits: 3186
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dablay Hubaysan Oo Weerar Ku Qaaday Saldhiga Boorama Iyo Xukuumada Oo Afka Ka Xidhatay

    Dablay Hubaysan Oo Weerar Ku Qaaday Saldhiga Boorama Iyo Xukuumada Oo Afka Ka Xidhatay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dablay Hubaysan Oo Weerar Ku Qaaday Saldhiga Boorama Iyo Xukuumada Oo Afka Ka Xidhatay


Boorama(HWN):-Dablay hubaysan ayaa weerar ku qaaday saldhiga dhexe ee boolisku ku leeyihiin magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Image result for boorama


Weerarkan oo dablaydu ay gaysatay waabarigii Saaka oo ahaa mid gaadmo ah ayaan ilaa hada la garanayn cida ka dambaysay iyo sababta keenty in la weeraro saldhiga booliska ee magaalada Boorama.


Dablaydan weerarka soo qaaday ayaa difaac adag kala kulantay ciidanka booliska ee ku sugnaa saldhiga dhexe ee Boorama, taas oo keentay in weerarka ka dib ay dablaydu ka baxdo magaalada.


Wararka ka imanaya magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaa sheegaya inaanu jirin wax khasaare dhimasho ah oo ka dhashay weerarkaasi.


Xukuumada somaliland ayaan ilaa hada ka hadal weerarkan iyo cida ka dambaysay, balse wararka laga helayo magaalada Boorama ayaa sheegay inay jirto jabhad ka dagaalanta deegaanada gbolka Awdal.

Loading...
Loading...