Soo Jeedin Baaq Nabadeed

0
Monday October 28, 2019 - 12:17:17 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1176
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soo Jeedin Baaq Nabadeed

    Asalaamu calaykum Madaxda iyo hawlwadeenada Hadhwanaag news

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Asalaamu calaykum Madaxda iyo hawlwadeenada Hadhwanaag news

Fadlan baaqan nabadeed ee aan halkan kusoo lifaaqay iisoo daabaca idinka oo mahadsan



Aniga oo ka mid ah qurbajoogta ka soo jeeda degmada Erer ee degaanka Shiniile ee dagaalka soo noqnoqday ku dhexmarayo Beelaha Gurgure iyo Ciise, waxaan halkan uga dirayaa baaq nabadeed beelaha Gurgure iyo Ciise oo aan leeyahay joojiya dagaalka dhexdiina ah ee dhiiga labada beelood ku qubanaayo.

 

Waxaan sidoo kale ugu baaqayaa wax garadka iyo odayaal dhaqameedka inay  arintaa si degdeg ah ugu baxaan oo ay soo afjaraan dagaalka.

xaaladan dagaal ee labada beelood u dhaxaysaa way soo noqnoqotay sidaa daraadeed waxaan farayaa cida ehelka u ah arintan iyo waxgaradba in xal laga gaaro wax yaabaha sababaya in dagaalkni soo noqnoqdo, oo ah sababaha dagaalku dabada ku hayo, lana xaliyaa oo aanay noqon arintu mirir dushii lama dhayo.

 

mahadsanidin

Abdi Adan

 [email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...