Ma Kash-bacay Soltekaw Canka Buuxsoo Can-Cantuug ( Abdi-Shotaly).

0
Monday October 28, 2019 - 12:12:53 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1372
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma Kash-bacay Soltekaw Canka Buuxsoo Can-Cantuug ( Abdi-Shotaly).

    Waxa ku jira maamulka askarta Hargeysa, qaar loo haysto in ay daacad u yihiin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa ku jira maamulka askarta Hargeysa, qaar loo haysto in ay daacad u yihiin

 xununal-qar-qooshka " Xaafad-tooyadda" ee ku jira Guriggii Moorgan, kuwaas oo isaka laf-toodu moodaayaan in ay wax u tarayaan " Raggii ma adigaa ka hadhay", ilayn waa caydh xakamihii laga jaraye, isaga oo ku jira dhul boob aan xaday lahayn, xaala ka noqday lo'ddii la odhan jirey, markay naqa iyo biyaha isla hesho baa waxay tidhaahaa " Canka buusoo can-cantuug geedaha" oo yaan lagaa badsan, aakhir-kana iyadda baa iska xaalufisa geedaha aaga ay ku nooshahay ku yaala, dabeena waxay dantu ku khasabtaa gumudkii ay ka goosatay dooga gu'ggii oo engegen, markaas baa bogga iyo beerku isku dhegaa, oo ay la calaa-cashaa maad wax sii madhax-satid markaad laba-eefaysay wakhti-yaddii roobabka, imika baad isaga oo caws ah aad daaqi lahayde, laakiin waa goor xeedho iyo fandhaal kala dhaceen, ilayn hadeer tallo ma laha'e. Aan ku soo dhawaado'e biyo dhacayga'e. Ka dawladda hoose ee Hargeysa ka hor joogaha ah, wuxu si hoose kac-doon qarsoon ugu wadaa, kan is leh wuxuu kuu bislay-nayaa baloodhyo fara badan, oo uu kuu soo gacan geliyo, mase oga "raggii ma adigaa ka hadhay" In ay ka soo bixi doonto in halaaggii ugu weynaa uu u qorsheeyey, oo kaba la'aan ku carari doono aakhirka.

 

"Ma kash-bacay" waa ka uurka kuusan, ee labadda kelyood kareen, siddii hal 13 bilood siday oo fool taagan ( waa Soleteko ka la yidhaaho'e). Waxan leeyahay, shaqo wacan baad u haysaa muwaadi-niinta, oo waxad kicinaysaa ummadda, oo aad ku kelifaysaa in ay mar qudha furta tuurto, oo samadda isku shareerto qayla dhaanta laga siman yahay, taas oo ah askarta oo far waaweyn oo ah tii shiinaha ee burushku u qalinka yahay, in wax loogu qoro inaadeerkaa. magac cusub baa laguu bixiyey oo ah " Diiriye", sababta oo ah waxad dhiiri gelinaysaa oo keliya, in la sare kaco oo la hurgufo maamulka askartan ee xaaraanta ah. sidaas awgeed waxan ku leeyahay, sii kordhi oo hawshaas dhul boobka ah sii laban-laab, waxad soo deg-deji-naysaa dhictaanka maamulka askarta'e.  waxan leeyahay " Mr Ma kash-bacay" calooshuun baa hadeer ku tig-tigane, ee canka buusoo can-can-tuug, oo waa in ay meel waliba ay noqoto siddii wax bararay, weli maad dhergine, ee ka sii fara qabso, intaan askarigu ka tegein meesha.

 

Waxa kaloo loo baahan yahay qaar badan oo noocaas u shaqeeya, la moodaayo muxaafid, laakiin abuuraaya mucaaridad isku darta ummadda, taas oo isku aragti ka dhigaysa, marka beel walba gaar ay u taabato dhibaatadu, kuwii sacabka u garaacaayey-na ay duhur cad cidhba-hoodda timaado, sidda imikaba ka socota meelo badan, oo askariga isir tirsa-naayey, oo ay hadeer irbadu ku qaloocan-tahay, wixii ay la jeclaayeen beelha askartu colaadda gaarka ah u qabto, ay iyakii gondaha hadeer haysato, hadana ay isku maran yihiin, siddii mara-boobtii dharka ku dheg-dhegi jirtey. Hadaba markay arimaha aad wadaa ilaa xad is biir-sadaan, loo maaro waayo, faro ka baxaan, ololku cirka isku shareero, ee dabku shido reer kaste, la arko wixii inta badan ee reer Somaliland ka dhiidhi-yeysay, la diiday ee dhego loo jalqin waayey ee lagula yaabanaa, baa danta dalka iyo dadka loo soo noqon doonaa. waxan ku soo af jaray qoraalkan, nin is waalaba, mar buu waaqliyo, cidla wehel li'i, warwaree-gaaba, weere ku cunaa, ee kanaw wadhan haad ( waa asakriga'e), ee wax yar uun suga.

* N.B Nin Is Waalaba Wakhtigaa Celin!

Qore:- Abdi-shotaly.

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...