Oof Wareenka Siyaasadda Iyo Iimaha Xisbiyadda Maanta!!! (Qormadii 2aad)
iyo mid niyadeedba ku tiirsan Beesha Garxajis ee uu kasoo jeedo Gudoomiyaha Xisbiga, ahna Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga, ahna xisbiga labaad ee ugu weyn Somaliland ayaa loolan iyo hardan-siyaasadeed adag kula jiraa Xisbul Xaakimka KULMIYE oo isaguna ah mid haatan ku tiirsan taageeradda dhaqaale ee xukuumadda talada haysta, iyo tan beelaha H/jeclo iyo H/Awal, halka ay labada xisbi si siman u kala qaybsadaan taageeradda beelaha kale ee Somaliland ku dhaqan. Dhinaca kale,, Marka la eego habka loo dyaariyay saaxadda iyo garoonka tartan-ciyaareedka siyaasadeed loogu talo galay in lagu galo, waxaad arkaysaa in bilowgii horeba xisbiga Kulmiye loo diyaariyay saaxad u qaabaysan in guushu markasta dhankiisa u janjeedhsato, haddii aynu dib u milicsano habkii ay asalkii hore kusoo baxeen sadexdan xisbi, xisbiga KULMIYE oo markiisii hore ku tiirsanaa in ka badan 90% taageeradda beelaha H/jeclo, H/awal iyo Arab ayaa waxaa khatar ku ahaa soo bixitaanka ururadii RAYS ee uu hogaamiyaha ka ahaa Mr Xasan Gaafaadhi (oo kazoo jeeda beesha H/jeclo) , ahna wasiirka xanaanadda xoolaha iyo Kaluumaysiga ee haatan, iyo ururkii Xaqsoor oo uu hogaamiyaha ka ahaa Mr. Xasan Ciise Jaamac (oo kazoo jeeda beesha Arab) , ahaana Madaxweyne-xigenkii hore ee Somaliland, khatartuna waxay ahayd in soo bixitaanka labadan xisbi ay abuuri karto in xisbiga Kulmiye waayo kala badh, ama inta badan taageeradda beelaha H/jeclo iyo Arab, si khatartan siyaasiga ah meesha looga saaro, waxaa is reeb-reebkii hore ee ururada meesha laga saaray labadaas xisbi ee RAYS iyo XAQSOO si Xsbiga KULMIYe ugu sii negaado taageeradda beelsaha H/jeclo iyo Arab, iyadoo hogaamiyayaashii KULMIYE ee xiligaasina ay si gaar ah isha ugu hayeen in musharax iyo Xisbi kale oo haysta taageeradda beesha H/awal oo aan KULMIYE ahaynina saaxadda soo gelin.
Dhinaca kale, beesha
Garxajis oo siyaasiyan ahayd khatarta ugu weyn ee KULMIYE haystay siyaasad
ahaan, ayaa loo dhigay shax u ekayd oof wareen siyaasadeed, balse aanan hubin
inay sidaas u dhaadanayaaeen iyo in kale, iyadoo loo soo saaray labada xisbi
siyaasadeed ee UCID iyo WADANI, qasdiga ugu weyn ee laga lahaana waxay ahayd in
la wiiqo awoodooda codeed iyo tooda dhaqaaleba, loona abuuro labo xisbi oo ay
awoodoodu u kala qaybsanto, halkii ay mid ka ahaan lahayd, halka Xisbiga
KULMIYANA laysugu geeyay awoodaha H/Awal, H/jeclo, iyo Arab, iyo boqoley
qaybsan oo taageeradda beelaha kale ah, lagana reebay ururo- siyaasadeedkii
khatarta ku ahaa ee RAYS iyo XAQSOOR, mucda shaxdu waa in KULMIYE mar walbo
haysto taageeradda beesha H/jeclo 80%, taageeradda beesha H/awal 80%,
taageerada beesha Arab na 80%, taageeradda beelaha kale ee Somaliland na si
boqolay-saami-siman ah ula qaybsado xisbiga WADANI iyo UCID, halka Xisbiyada
WADANI iyo UCID haystaan 90% taageeradda beesha Garxajis ee u qaybsan
labadooda, iyo tirade boqoleyda saamiga siman ah ee beelaha kale ee Somaliland,
oo ah mid ay ula siman yihiin Xisbiga KULMIYE, istraatijiyadda Kulmiyena waxay
ku qotontay falsafada ah xooji quwadaada, oo qaybi awooda kaasoo horjeeda si
aad u libaysato, halkaasna waxaa iska cad in natiijada ciyaartu cid meel isaga
sii taalo. oo ay tahay mid xilli hore laga sii shaqaystay.
Oof wareenka labaad
ee siyaasiga ah ee Xisbiga WADANI waqtiyadan danbe haleelayna wuxuu yahay……..la
soco qormada 3 aad……..
Qalinkii; Mr Hussein
Mohamed Mohamoud (Xuseen-laki)
Email,
[email protected]
Burco.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!