Qaabkee Lugu Horumarin Karaa Nafta! by : Deeqa Cabdiraxmaan Ismaciil( DeeQsan)
Horumarka nafta oo koobsanya; in awooda
fikirka kor loo qaado, in la barto qaabka loo xidhiidhiyo bulshada kugu xeeran,
in nafta loo xakameeyo luguna hago wixii wanaagsan ee ku sababaya horumar,
Homarka naftu wuxuu ahmiyad balaadhan u leeyahay qofka iyo bulshadaba, waxaanay ku kala duwan yihiin qofba qofka kale.
Haddaba Horumarka iyo guushu waxa
ay ka mid yihiin waxyaabaha ugu badan ee qof kasta oo bani,aadam ahi ku fikiro
isla markaana uu hiigsado, kuna fikiro inuu gaadhsiiyo horumarkaas dadka ku
hareeraysan, ee uu tusaalaha cad u yahay.
Sidaan uga faa,iidaysano casharkan waxa
dadka loo qaybiyaa saddex qaybood oo kala ah;
- qaybta koowaad: waa dad leh hal-abuur ( Proactive ) waxa ay ku caan yihiin oo wakhtigooda inta badan ku qaatan; wax akhris, fikir tolmoon, cilmi baadhis, horumar, shaqalaysiin, raadayn, iyo ka fa,idaysi meelaha ay (power full) ku yihiin, "dadkaasi waxaay u badan yihiin; culimada, baaxisiinta, hal-abuurada, ganacsatada, iyo maalgeliyayaasha”.
- Qaybta labaad: waa
dad ku shaqeeya ficil (Active) markuu dhaco isla markaana waxa ay
wakhtigooda uga fa,ideeyaan shaqo iyo tobobar, "dadkani waxaay u badan
yihiin; shaqaale, ciyaaryahano, wariyayaal, xirfad wadayaal”.
- Qaybta saddexaad: waa dad ku dhaqma jawaab celin, ficil celin
( Reactive), wanna dadka ugu badan ee
bulshada caalamka ku nool, ma sameeyaan horumar waana dadka ku mashquula, inaay
dadka kala tageeraan, daawashada tv, istacmaalka mareegtada baraha bulshada,
muranka, suuq-gelin, iwm, " dadkani waxaay u badan yihiin; tageeryaal, bilaa
camal, bilaa hadaf”.
Akhriste waxaan ku rajaynayaa inaad
fahantay dadku sidaay u kala duwan yihiin oo horumarka u kala jecel yihiin, ee
qofkastaaba isaga ayaa naftiisa hormood u ah, oo garanaya halkaay ku fiican
tahay.
Guntii iyo gabo gabadii waxaan idinkula talinayaa inaad si fiican uga faa,iidaystaan wakhtiga iyo fursadaha ay noloshu ina barayso, oo ay ka koow tahay sidaan ku horumarin lahayn nafteen.
Qore : Deeqa Cabdiraxmaan Ismaciil ( Deeqsan )
Email : [email protected]
Hargeisa – Somaliland
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!