Dareen-celin iyo Mahad-Naq : Sida Aad Iigu Sed-buriseen, Eebbe Ha Idiin Sooro!

0
Monday October 28, 2019 - 08:06:00 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1909
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dareen-celin iyo Mahad-Naq : Sida Aad Iigu Sed-buriseen, Eebbe Ha Idiin Sooro!

    Socdaal indha-indhayn ah oo aanu shalay subaxdii ku tagnay dhulka muranku ka oogan yahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Socdaal indha-indhayn ah oo aanu shalay subaxdii ku tagnay dhulka muranku ka oogan yahay ee Galbeedka Hargeysa, halkaas oo aanu rabnay in laga gudbiyo codka iyo cabashada rayidka, waxa ka mug iyo miisaan weynaa billadihii aad nagu taxdeen, badheedhihii aad dhiibateen iyo badhi-taariddii shacabka ku nool geyiyada kala geddisan iyo guudka dunida.

 

Sida aan idiinku tirsanahay ayaan idiinku tiirsanahay. Shalay waxa ay ahayd ahayd maalintii la ii soo tebiyo taageerada ugu tirada badan ee taar, taleefan, tebiye (mesneger) iyo tubaha Whatsp la ii soo mariyo. Tixgelintii aad i huwiseen kama aammusi karo, waxa aan idin leeyahay "dhammaantiin waad mahadsan tihiin”.

 

Waxa aan u arkaa inaad ii hurteen qaayo ka badan, ka ballaadhan, kana baaxad weyn kii aan xaqa u lahaa. Sida aad iigu sed-kordhiseen Eebbe ha idiin sooro, halkeediina samaan iyo sareedo ha iigu dooriyo. Shacabka ayaa iigu jira halka ay jidhka ugu jirto laf-dhabartu.

 

Marnaba yoolku ma aha in cid lagu xumeeyo, in turxaan la beero iyo in la beero tashuush nabadgelyada wax u dhima. Shardoo la helo karo jid xasilloon oo dareenka loo cabbiro, looma baahna, lamana baadigoobi karo buuq iyo belaayo.

 

Yoolku waa toosinta hadba ciddii loo arko inay gurrac u socoto, taakulada bahda laga tun weyn yahay ee taayirka la marinayo iyo tudhaale/naxariis loo muujiyo bulshada tacaddiga tirsanaysa. Cidina kuma gacan-saydhi karteen maamulka dawliga ah oo si togan u shaqaynaya, qofna ma cambaarayn karo tallaabo cuddoon oo la qaaday.

 

Ummadda Nebi Maxamed waxa ay bulshooyinka kale kaga wacnaantay inay wanaagga is faraan, xumaantana iska reebaan. Waxyaabaha lagu helo abaal-marinta dheeraadka ah ama halganka ugu weynina waa kelmad run oo loo sheego hoggaamiye baal maraya talada toosan. Waxa aan isu arkaa uun qof fulinayay waajib ummadda saarnaa, ma garanayo wax ka riyaaq badan in hageyaasha qaranku u hawlgalaan si habboon, hufan oo hambalyo mudan.

 

Hiilka iyo hadalka ummadda jecel sinnaanta iyo caddaaladda ayaa ah kaar-jebiye lagu illaawo kurbada. Kalsoonida shacabka ayaa ah tamar lagu hawlgalo oo tuur iyo bannaanba lagu maro. Weli kama wada warcelin dhambaalladii boqollaalka ahaa ee isoo gaadhay. Waxa ay noqdeen wax ka badan taagtaydii iyo awooddaydii qof ahaaneed.

 

Ballankeennu waa in xaqa loo hiiliyo, qof kastaana uu noqdo dirane u adeega samaha: Haddii uu xil hayo iyo haddii uu shacab yahay labadaba. Yar iyo weyn, wiil iyo gabadh, qurbe-joog iyo qaran-joog, aw iyo aqoonyahan, gadhmadoobe iyo gashaanti, waxa waajib igu ah inaan si kal iyo laab ah idiinku qaddariyo qiimayntiinna togan.

 

Eebbe ha idin maamuuso mar kasta iyo meel kasta!




W/Q: Siciid Maxamuud Gahayr

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...