Madaxweyne Biixi Iyo Gudoomiyaha Guurtidu Ma Heshiis Ay Ku Yihiin Khilaafka Guddida Doorashada?

0
Sunday October 27, 2019 - 19:16:34 in News by
  • Visits: 3241
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Biixi Iyo Gudoomiyaha Guurtidu Ma Heshiis Ay Ku Yihiin Khilaafka Guddida Doorashada?

    Xubno Ay Iskugu Abaal Gudayaan Oo Madaxweyne Muuse Iyo Gudoomiye Saleebaan Oo Midiba Dhankiisa Magacaabay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xubno Ay Iskugu Abaal Gudayaan Oo Madaxweyne Muuse Iyo Gudoomiye Saleebaan Oo Midiba Dhankiisa Magacaabay


Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa mar kale hormood ka noqday muran soo kala dhexgalay xisbiyada mucaaridka ah.


Madaxweyne Muuse Biixi oo hore u lumiyey wakhti lagu qaban karayey doorashoooyinka golaha wakiilada iyo goleyaasha deegaanada dalka ka dib markii uu meel adag iska taagay guddidii doorashada ee wayday kalsoonadii xisbiga ugu weyn mucaaridka ah ee Waddani ayaa haatana u muuqda inuu cawajka u rogay dhismaha guddida cusub ee doorashada.

Image result for muuse biixi iyo saleebaan gaal


Madaxweyne Muuse Biixi oo iska indha tiraya sharuudaha uu dastuurku sheegay in lagu soo xulo xubnaha guddida doorashada isla markaana magacaabay sadex xubnood ayaa si badheedh ah u soo xulay masuul ka tirsan xisbiga Kulmiye, xubin ka tirsan shaqaalaha dawlada iyo xubin ka tirsan guddidii hore ee wayday kalsoonida mucaaridka.


Qorshaha madaxweyne Muuse Biixi oo u muuqda inaanu diyaar u ahayn doorasho dalka ka dhacda ayaa qaaday talaabooyinkan oo sii fogeeyey in la dhiso guddida cusub ee doorashada isla markaana la bilaabo u diyaar garawga doorashooyinka, waxaana muuqata inuu si badheedh u doonayo inaan dalka doorasho ka dhicin.


Cabdirashiid Riyo Raac oo ka tirsan xisbiga Kulmiye ayuu madaxweyne Muuse Biixi u soo xulay inuu ka mid noqdo guddida cusub ee doorashada oo kaas oo abaal celin isku badalasho daraadeed uga aqbalay gudoomiyaha golaha guurtida oo u soo jeediyey inuu magacaabo.


Madaxweyne Muuse Biixi iyo gudoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa heshiis ku ah in midiba kan kale uu u magacaabo xubin uu doonayey in lagu daro guddida cusub ee doorashooyinka.


Madaxweyne Muuse Biixi ayaa dhankiisa gudoomiyaha guurtida ka codsaday inuu soo magacaabo Cabdiraxmaan Dixood oo hore uga soo shaqeeyey guddida doorashada halka gudoomiye Saleebaana uu dalbaday in madaxweynuhu uu dhankiisa soo magacaabo Cabdirashiid Riyo Raac.


Magacaabida Riyo Raac iyo labada xubnood eek u lamaan oo madaxweyne Biixi soo xulay ayaa mar kale muran dhalisay, iyada oo mucaaridku ku doodayaan inaan masuuliyiintaasi dhex u noqon Karin tartamayaasha doorashooyinka.


Si kastaba ha ahaatee Madaxweyne Muuse Iyo Gudoomiye Saleebaan ayaa haatan u muuqda inay heshiis ku yihiin muran hadheeya doorashooyinka somaliland oo wakhti kale soo lumiya, talaabadaas oo dhibaato ku keenaysa dimuqraadiyada somaliland, hanaankii doorashooyinka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.


Hadhwanaagnews.com/Office


Hargeysa/Somaliland

Loading...
Loading...