'' Kaftanka Maanta , Haka Daalin Buuqee , Waligaa La Daba- Joog ''.

0
Sunday October 27, 2019 - 16:53:36 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1679
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Kaftanka Maanta , Haka Daalin Buuqee , Waligaa La Daba- Joog ''.

    Ninka taajka doontee , u diyaar garoobee ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ninka taajka doontee , u diyaar garoobee ,


dhacayoow ha daaline .

Dardar iyo itaal ,

degdeg iyo xanaaq iyo ,

yeelo diirimaad badan .

Darku waa siyaasade ,

Daacad lagama dheelee ,

Kolba diir usoo xidho .

Marna hadalka dabacsani ,

Kuu dan adiga maahee ,

Dayradda ha moogaan .

Haduu uu dadaal iyo ,

keeno guulo daahira ,

Dafir adigu yeelkee .

Haduu daaro badan iyo ,

dhiso dabaqyo dhaadheer

dooda waxaad tidhaahdaa .

Dadku wuu bakhtiyayaa ,

Derged looma baahnee ,

Duqu beero muu qoddo .

Haduu dalaga badiyana

Daaraha lasoo bood ,

in danteenu tahay dhabi .

Garawshiiyo waa daw

ka daada xaqaagee

ku adkayso diidmadda .

Madfac iyo dagaal iyo ,

dirir waa la dhaafee ,

murankaagu yuu damin .

Doc kastuu u jeestaba

Adna daafta kala qabo

kuna digo haduu lumo ..

Haduu xaajo daahira

keeno duhur dharaareed

runta dabaqyo saarsaar .

Sharcigiyo distoorkana

dacalkuu ka joogsado

Adna deedafeeyoo ,

Qodob kaa dabaaliyo ,

Cusko xaraf dahsoonoo

ku dilaaci aragtidda .

Doorashana caruur iyo ,

Da yar kaama saartee

Ruug-cadaaga day dayo .

Dudmo iyo xanaaq iyo ,

Haka daalin buuqee

waligaa la daba joog .

W/Q: Ahmed Nour Guruje


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...