Markuu Baloodh Raadinayo, Ma Bahal Gaajo Ku Raagtoo, Baadi Soo Helay Baa ( Abdi-shotaly)?

0
Sunday October 27, 2019 - 16:35:51 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1433
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Markuu Baloodh Raadinayo, Ma Bahal Gaajo Ku Raagtoo, Baadi Soo Helay Baa ( Abdi-shotaly)?

    Biriijkii shiine dhisee, burco baal kaga yaalay, iyo ma riiggii xumbo weynaa,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Biriijkii shiine dhisee, burco baal kaga yaalay, iyo ma riiggii xumbo weynaa,

 ma babulaacad jabtaa, marka uu bari caayo, galbeed-na beero ku sheego, kolka uu baf-bf leeyee, baloodho raadinayo, bogcad reer u lahaa, intuu boob ku cadeeyo, Ma bahal gaajo ku raagoo, beryo aydda dhex jiifoo, baadi soo helay baa, ba'na aan garanayn, xukun bawsadayee, markii ay ku bukootay, maskaxdi ka baxday, ma idin bulaqaasay. Nin-ba meesha bugtaa, isagay belbe-shaayoo, bogga hoosiyo beerka, bay baguugaa ka dhigtaayoo, bestii uu la noqdaayoo, markuu baala daymoodee, arko ruux bed-qaba, banaankaa ordya, uu ku buubo hinaase, bal miyuu yar bukoodiyo, ku habaara balaayo, cuqdad-biirtay ayaamo, buux-santoo ku dhamaatay, ayuu soo bandhi-gaayo, basarkaa ka xumaadda, hadba beel isku qaadda, Waddani baa i bireeyey, kulmiyaa baabi'iseen. waxan buuga ku oolin, ayuun buu babiyaa, hadaaq uun la butaaca, sidda babka askariga, kala qaybiya beesha, beledkaa wadda joogta, in uu buuq geliyo, dagaal laysu badheedho, hoogayey badatoo, ku basbeello sidaa. miyaanu raali ka ahaan karnaa, saw inaan iska baydhino maaha, meel inoo fayoobi ma jirtee, bal ummad yahay u fiirsadda, midaan derbiyadda seexdda, oo bakhtigu u xalaal yahay, baa reer iyo mid aanu isku xaafad nahay baa kursiga ku fadhiya, ku difaacaaya, waxaas oo xumaan ah, kan hadoodi-layee hanjabaadda ku waashay, misna hoos ka qalaalan, hoorseed-kiisii khaldamay, hadalkii is dhex qaaday, hubaal maw aragteen. Akhristaw aan dib ugu soo noqdo'e, sidda uu cinwaanka maqaalku inoo biniixi-naayo'e, bal ku soo dhawaw waa tane.

Muwaadin waxa uu dadku u yaqaano " Makhruuqa, waa cudur laga qaado qof waxaad jecshahay, oo aad wayday haysta, oo aad ku aragtay ama heli kari la'dahay, ama maksab uu gaadhay aad u diidan tahay, oo qaybta illaahay iyo abuuri-diisa ka soo hor-jeedda, doonaaya in ruuxaasi wuxu illaah ugu deeqay, in uu ka qaado oo isaga siiyo, mana laha dawo kaasi, ee isaga buu dishoodda una dhinta, waxa dadka qaarkii ku sheegaan noocaas " Xaasid " waayo wuxu ka dhimanayaa qofkaa uu sinaba ula sinmi waayey, ee uu casaawa-jalahu ka sarey-siiyey, dabeed wuxu isku dayaa in uu kolba taako u dhigo, uu is yidhaaho ha ku jabo, waase uu ku guul daraystaa sidda Raggii ma adigaa ka hadhay. kaas oo markii uu ka yaabay, maalin-ba-maalinta ka dambaysa, murugo iyo muraara-dilaac, maskax-fered iyo weji gabax ka sii qaadaaya, waa kaase maryihii dhigtay, markii ay ummadu qaawisay, ee la isu soo taagi waayey. Markii uu ku joojin kari waayey dadka been. buu imika kolba shaadh soo gashanayaa hore milicdda loogu wadhay.

Tuke ha iska qalaadee, sidda keliya ee ay ummadani kaga bixi karaan xumaanta iyo boobka, qaska, qabyaaladda, horu-mar la'aanta, xaraashka Hantidii ma guurtadda ahayd ee shicibka, kuna soo noqon karto mustaqbalkii iyo rajaddii dalkan iyo dadkani. Muwaadin, ma wax aad sii eegato baa hadhay, saw tan aad dibugu noqotay Dawlad goboleed, ee uu caalamkii dhabarka inoo jeediyey, albaab kaste la inaga soo xidhay, askartiina ay inaga isku keen jeedisay, ee kuwii uu sheegay ( IHN) Xaaji Aadan Af-qalooc, ee uu lahaa" Waash-maan Kol ay Tahay Ninkii Taabay Meel Dheregye" oo mid-ba kuu ka liitay loo tiriyey xaf iis, sidda "Neefka Af-dulaaq " kaas oo taariikh-diisa la hayo, oo derbi jiif ahaa, iyo qaar uu u shir tegaayo kaasi, oo aanad duqsi ku aamin-teen, baa geeri iyo mag la'aan kugu dhaxalay, oo aan ku qaraari-nayn haday kaa baxayso, adna aad ugu rixinaysaa ama daba ordaysaa qabyaalad iyo reer hebel, ee goor maad ka waantoobi, oo aad dantaa garan doontaa, ma marka xabaasha lagugu rido, baad iilka ka soo qaylin doontaa, oo aad is odhan godka aad ku jirto wax ka bedel, imika baad wax qabsan karaysaa ee muwaadin feker. Qofku marka uu sas ka qaado, guulaha qayrkii gaadhay, ka bacdina soo haaban kari la,' uu is yidhaaho sare u soo qaad, kan eebbe hibadiisa uu halkaa ku gaadh-siiyey, oo barbar orod, wuu khali duuraa, carqaladuu is yidhaahaa ka hor keen, ka uu xinka iyo xaasid-nimadda, reer hebel u daba ordaayo, waxase uu ka siibtaa salaankii uu is lahaa fuul, isaga oo laban-leg-doonaaya buu dhulka ka soo go'aa, sidda qaar badan ku dhacday, wuxu yidhi Abwaan Qaasim (IHN)" Suul-daaro waw halis nimay rag isi seegeene" waxa ka mid ah oo kale murti-diisa " Nin kastoo salaan dheer u baxay, soo deg baa xigiye". aad bay u fara badan tahay xikmadda uu inooga tegay Abwaan-kuye, oo mid la soo koobi karaayo maaha'e, idinkase bay idfiin taalaa.

* N.B Kolka Uu Baf-Baf- Leeyeey , Mariiggii Xumbo Weyne Iyo Mabulaacad Jabtaa?

[email protected]



AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...