Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Ka Hadlay Rabshado Dhimasho Sababay Oo Ka Dhacay Dalkiisa
Ra'isuwasaaruhu wuxu xalay uu soo saaray warmurtiyeed uu kaga
hadlayo dhibaatada dalka Itoobiya ka dhacday oo ay dad badanna ku naf waayeen.
Warmurtiyeedka Ra'isal wasaaraha oo dhammeystiran halkan kaga
bogo.
"Marka hore waxaan doonayaa inaan idinla wadaago murugada
iyo tiiraanyada dadki naftooda ku waayey rabshadihi maalmahan ka socday qayba
ka mid ah dalka Itoobiya.
Dhibaatada na soo food saartay sidi aan u xakameyn lahayn haddii
aan dhammaanteen iska kaashan waxa ka iman kara waad dareemi kartaan khatarta
iyo foolxumada ay leedahay.
Waxaa la isku dayay rabshadaha dhacay in laga dhigo kuwa qabiil
iyo diin ku saleysan, waxaana halkaasi si aad looga naxo ugu nafwaayey dad aad
u badan.
Inkasta oo aan ka xunnahay dhibki dhacay iyo khasaaraha naf iyo
maalba leh ee ka dhashay haddana waxaan ogaannay inuu shacabka dalka Itoobiya
yahay shacab aad u weyn oo dulqaad badan.
Waxaan aragnay dad Kirishtan ah oo masaajidda in la gubo
diiddanaa oo ka soo horjeestay oo qaarkood ay naftoodaba ku waayeen iyo dad
muslimiin ah oo iyaga Kaniisadaha in dhib loo geysto difaacayey.
Sida oo kalana dad badan ayaa naftooda qaaliga ah ku waayey iyaga
oo doonaya iney badbaadiyaan dad lagu beegsanaya qabiilka ay ka dhasheen.
Arrimahan oo dhan sababta ay noogu dhacayaan waan garaneynaa.
Haddii xitaa aan la kulanno caqabado kuwan ka ballaadhan marnaba kama
weecaneyno tubta aan cagta saarnay. Waxkasta oo caqabad ah oo na hor istaago
waddadeenna ayaan ka wecineynaa socodkeennana waan sii wadaneynaa.
Kooxaha dhibaatadan noo horseeday waxaan u shegeynaa inaan
diyaar u nahay naf inaan u hurno si aan u xaqiijinno badhaadhaha Itoobiya iyo
shucuubta dalka.
Sarreynta sharciga si aan u meel marinnana cid kasta oo wixi
dhacay ku lug lahayd sidi tallaabbada ku habboon looga qaadi lahaa ayaan si
adag oo aan labalabeyn lahayn uga howl galeynaa.
Dhibaatadi foosha xumeyd ee dhacday dadki ku waxyeelloobay sidi
ay dhibka uga soo kaban lahaayeen, dadka barakacayna deegaannadooda loogu celin
lahaa, dadka hantidooda la dhacayna dib u dejin looga sameyn lahaa ayaan ka
shaqeyneynaa innaga oo kaashaneyna shacabkeenna.
Haddii aan kala qaybsanaanno waxaa guuleysaneysa cid kale.
Innaga ishayno midkeenna ma guuleysanayo. Cadawgeenna waxay ay doonayaan inaan
noqonno wixi dhacay ayaa tusaale noogu filan.
Haddaba, dhibaata intan ka weyn si ay markale noogu dhicin
dowladda iyo shacabkuba waa iney sameeyaan wixi la gudboon. Dowladda wixi la
gudboon oo dhan wey sameyneysa.
Shacabkuna waa inuusan kala tagin, dadka siyaasadaha wax
burburiya wata ay ku adeegan, uu midba midka kale gaashaan uu u noqdo oo dhibta
uu ka difaaco, dambiilayaashana ay sharciga horkeenaan, dadki ay dhibaatada soo
gaartay sidi ay u caawin lahaayeenna ay kaalintooda ka qaataan ayaa soo
jeedinayaa.
Rabshadaha dadka ku dhintay
Wakaaladda wararka
Reuters oo soo xigatay Taliyaha Booliska degaanka Oromada ayaa sheegay dadka
rabshadaha dalka Itoobiya ku dhintay inay tiradoodu gaadhay 67 qof.
Taliyaha booliska Oromada
Kafyalew Tefera wuxuu sheegay goobaha ay rabshadaha ka dhaceen ee ku yaalla
deegaanka Oromada iyo magaalooyinka Diridhaba iyo Harar waxaa ku dhintay 62 qof
oo rayad ah iyo 5 askari o boolis ah.
Wargeyska New York Times
wuxuu qoray dadkaasi dhintay 13 ka mid ah iney ciidamada ammaanku dileen halka
dadka kale ee rabshadahaasi ku dhintay ay sababeen rabshada dhex maray
mudaharaadayaal iska soo horjeeda.
Maalinti shalay ahaydna
BBC oo soo xiganeysa xogaha ay ka heshay madaxda dalka Itoobiya, xirfadlayaasha
caafimaadka iyo dad goob joog ah iney tiradu dadka rabshadaha ku dhintay ahayd
44, maantana tirada dhimashada ay ku kordhay 12 qof oo kale.
Jawar Maxammed ayaa
sheegay in dowladda ay ka ceshatay ciidamadii ilaalinayay gurigiisa oo ku
yaalla caasimada,balse waxaa arrintasi beeniyay saraakiisha dalkaasi.
Arrintan ayaa waxaa ka
dhashay dibadbaxyo ka dhacay afaafka hore ee guriga uu deggan yahay iyo qeybo
kale oo dalka Itoobiya ka tirsan.
Inkastoo rai'sul wasaare
Abiy lagu ammaanay isbadallada uu dalkaasi ka hirgaaliyay ayaa hadana waxaa uu
la daalaa dhacayaa xal u helidda isku dhacyo u dhaxeeya qoomiyadaha kala duwan
ee dalkaasi.
Booliiska Itoobiya ayaa
waxay beeniyeen in Jawar lagala noqday ciidamadii ilaalinayay,balse hadalka ka
soo yeeray Mr Jawar ayaa waxa uu jahwaareer ku abuuray dowladda.
Caasimadda Addis Ababa,
ayaa taageerayaashiisa waxay balaanqaadeen in iyaga ay ammaankiisa sugayaan,
waxaana la maqlayay dibadbaxayaasha oo ku dhawaaqayay " Abiy ha
dhaaco."
Gubidda buugga rai'sul
wasaaraha ayaa ka dhacday magaalada Dadar.
Nuqulada buugga Mr Abiy
ee lagu magacaabo, Medemer, oo la daabacay Sabtidii ayaa laga qaybiyay
dalkaasi.
Buugga ayaa waxa
qoraaladiisa diiradda lagu saaray fikirada siyaasadda rai'sul wasaaraha iyo
sidoo kale halka uu higsanayo in uu Itoobiya garsiiyo.
Taageerada ballaaran
ee Mr Jawar
Mr Jawar ayaa
warbaahintiisa, Oromo Media Network (OMN), u isticmaalay dibadbaxyadii dowladda
looga soo horjeeday 2016 ilaa 2018,xilligaasi oo uu dalka rai'sul wasaare ka
ahaa Hailemariam Desalegn.
Waqtigaasi ayaa
warbaahinta OMN waxay heshay taageerayaal badan oo ay ka mid yihiin kuwa
qoomiyada Oramada oo ah kuwa ugu tirada badan ee dalka Itoobiya oo iyagu
dareemayay in dhaqaala ahaan iyo siyaasad ahaanba la gacan bidxeeyay.
Itoobiya oo qaska iyo
rabshaduhu ay ku sii baahayaan
Xilligaasi saxafigan
reer Itoobiya ayaa ku sugnaa Mareykanka oo uu haysto dhalashadiisa.
Balse Itoobiya ayuu
dib ugu soo laabtay ka dib markii Mr Abiy uu awoodda la wareegay bishii April
ee sanadkii aanu soo dhaafnay halkaasi oo uu isbadalo ka bilaabay.
BBC