Oof wareenka Siyaasadda iyo Iimaha Xisbiyadda Maanta (Qormaddii 1aad)

0
Sunday October 27, 2019 - 15:53:54 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1209
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Oof wareenka Siyaasadda iyo Iimaha Xisbiyadda Maanta (Qormaddii 1aad)

    Xeeladaha laysugu khatalo siyaasadu waa mid dhinacyo badan ah, oo mararka qaar cid kula shaqaynaysa,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xeeladaha laysugu khatalo siyaasadu waa mid dhinacyo badan ah, oo mararka qaar cid kula shaqaynaysa,

 oo danahaaga fulinaysa ayaad ra'yi caamka dadkana ugu muujisaa cadowgaaga iyo kan dalkaba.

Hadaba, si ay taas dadku kaaga rumaystaan waa in aad samaysaan iska hor imaadyo qawl iyo ficilba leh oo dhexdiina ah, si aad qiil ugu heshaan waxa idiin qarsoon ka Midha dhalintooda, xasuusnow, tan waa mid u baahan in loo huro waxay u baahan tahay in loo huro oo naf iyo maalba leh, in Yar base wax iskaga og, oo aan ahayn kuwa dhimanaya, ama Dhaawacmaya.



Bal tusaalahan Yar u fiirso, xisbiyadeena siyaasiga ahi waa kuwo taageerada qab'aailka Ku dhisan, oo aan Falsafad iyo mabaadii' dadyow kala duwani aaminsan yihiin aan Ku dhisnayn, Xisbiga WADANI oo ka mid ah xisbiyadaas aynu xusnay, oo ah mid Ku dhisan taageerada qabiilka uu kasoo jeedo Asaasaha iyo musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga WADANI, Mr Abdirahman Cirro waxay loolan awoodeed oo dhinaca hogaaminta dalka ah kuwada jiraan.Xisbiga KULMIYe, oo laftiisu ku dhisan taageerada isbahaysiga siyaasiga ah ee ay wadaagaan beelaha H/Jeclo iyo H/awal, iyo tiro boqoley saami siman ah, ama isku dhow, oo ay labada xisbiba ka kala haystaan beelaha kale ee Somaliland degan. Nasiib darrada ugu waynise waxay tahay in xisbiyadda siyaasiga ah ee Somaliland aanay ahayn kuwo leh  nadariyad ka turjumaysa baahida shacabka iyo waayaha qalafsan ee ku xeeran noloshooda, taas cakiskeeda, kuwa hogaamiya xisbiyadani iyo inta ku xeeraniba, waxaa aragtiyahooda fool-horaad u ah in awooda kursiga la kala riixdo iyadoo loo marayo olole siyaasadeed qabiilaysan, kaasoo kala geynaya quluubta shacbiga, halka  kii soo baxaana aanu wax ka  bedelin wixii lagu dhaliilayay kii uu kursiga ka bedelay, haddaanu kaba sii darinba,  sababtuna waa sadexdan arimood oo is weheshaday;-


1. Dadka shacabka ah oo aan weli garan dhagarta siyaasiga ay qolada ku taageeraan, ee ku qotonta xukun oo ka xoogso, kaasoo aan aragtidiisu dhaafsiisnayn inuu ka fekero mustaqbalka qoyskiisa iyo caruurtiisa sidii uu nolol fiican ugu abuuri lahaa, kuna tanaadin lahaa maalka uu ummadda ka xado.


2. Siyaasiyiinta maanta joogta oo iimaanka iyo jeebkaba ka baahan xataa hadday dhaqaale ahaan ladan yihiin, waxaana dhamaantood yool u wada ah in wax alla wixii ay heli karayaan dhacaan, guryo iyo beero raaxana ka samaystaan wadamada shisheeye, damiirkooduna ma siinin in wadamadan ay la dhacsan yihiin inay ku noolaadaan, oo dhistaan, ay ku dhismeen aragtida hogaamiyayaal iyagoo kale ah.


3. Dalkan oo aan weli helin hogaamiye aragti leh oo wadanina ah, hogaamiye leh aragti wadaniyad, iyo himilo qaran ku dhisan, oo ka fekera dalkiisa iyo dadkiisa horumarkiisa halkii uu qoys ama qabiil ka fekeri lahaa, dhibkanina, waa mid si guud u wada haysta dhulweynaha Soomaaliyeed oo idil.


Isku soo wada duuboo, waxaa hogaamiyayaal iyo xisbiyo siyaasi ah, oo aynu aad ula dhacsanahay inoo ah kuwo aan waxba inagu dhaamin dhinaca aragtida hogaamineed, tan horumarineed, mustawaha ay ka fekeraana uu yahay mid dan shakhsi ah iyo mid kooxeed ku dhisan, shacab ahaana, aynu sacab iyo mushxarad la barbarjoogno iyagoo masiirkeenii qabri iyo iil u qodaya, waanay fogtahay goorta caqligeenu u fekero sidii ay ahayd inuu u fekero, indhaheenuna wax u arki doonaan sidii ay ahayd inay wax u arkaan..............LA Soco Qormadda 2aad iyo Berito


Qalinkii; Mr Hussein Mohamed Mohamoud (Xuseen-laki)

Email, [email protected]

Burco.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...