Mudaharaado Galaafan Kara Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Oo Abaabulkooda Laga Dareemayo Somaliland

0
Sunday October 27, 2019 - 14:01:37 in News by
  • Visits: 5950
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mudaharaado Galaafan Kara Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Oo Abaabulkooda Laga Dareemayo Somaliland

    Mudaharaado Galaafan Kara Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Oo Abaabulkooda Laga Dareemayo Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mudaharaado Galaafan Kara Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Oo Abaabulkooda Laga Dareemayo Somaliland


Hargeysa(HWN):-Dhalinyaro reer somaliland ah ayaa abaabulaya mudaharaado waa weyn oo gobolada dalka oo dhan ka dhaca kuwaas oo lagaga soo horjeedo xukuumada madaxweyne Muuse Biixi.


Dhalinyaradan ayaa abaabul weyn oo balaadhan ka wada baraha ay bulshadu ku kulanto kuwaas oo ay ku baahinayaan fariimo ay shacabka kaga dalbanayaan in layskugu soo baxo mudaharaado waa weyn oo lagaga soo horjeedo xukuumada madaxweyne Biixi ee talada dalka haysa oo laga tirsanayo dhibaatooyin badan oo ay shacabka ku hayso.

Image result for muuse biixi


Dhalinyaradan ayaa fariimo ay u dirayaan shacabka waxay ku baahinayaan baraha bulshadu ku kulanto ee WhatsApp-ka, Facebook, Messenger iyo Snappchat.


Gadoodka ay muujinayaan dhalinyaradani ayaa ka dambeeyey ka dib markii ay xukuumadu ku kacday falal ka cadhaysiiyey bulshada iyada oo mugdi badani hadheeyey nidaamkii cadaalada ee somaliland, xoriyatul qawlkii iyo dimuqraadiyadii.


Sidoo kale waxa jira cadaadisyo baahsan oo ay xukuumadu ku hayso bulshada ka dib markii xabsiyada lagu guray cid kasta oo ka hadasha xuquuqda ay leeyihiinn muwaadiniintu,waxaana shacabka somaliland si weyn uga sii cadhaysiiyey qorshe ay xukuumadu doonayso inay xoog kula wareegto dhul ay leeyihiin dad muwaadiniin ah oo ka kooban 60 qoys iyo awood dawladeed oo qoyska madaxweynuhu u adeegsadeen in dhul iyo guri ay kaga qaadaan macalin wax ka dhiga dugsiyada sare ee dalka, kaas oo dhibaatada loo gaystay u soo bandhigay bulshada iyo sidoo kale toojarkii iyo caga juglayntii lagu hayey suxufiyiinta shabakada Hadhwanaag ee keenay inay dalka iskaga baxaan.


Marka laysku soo duubo kacdoonada ay abaabulayaan dhalinyarada somaliland ayaa noqon kara qaar meesha ka saara xukuumada aan la mahadin ee uu hogaaminayo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.


Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland
Loading...
Loading...