Fowsi Faarax Oo Ka Hadlay Cidda Ka Reebtay Ka Midnoqoshada Xubnaha Loo Xulayay Komishanka Doorashooyinka

0
Sunday October 27, 2019 - 13:52:14 in News by
  • Visits: 2666
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fowsi Faarax Oo Ka Hadlay Cidda Ka Reebtay Ka Midnoqoshada Xubnaha Loo Xulayay Komishanka Doorashooyinka

    Fowsi Faarax Oo Ka Hadlay Cidda Ka Reebtay Ka Midnoqoshada Xubnaha Loo Xulayay Komishanka Doorashooyinka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fowsi Faarax Oo Ka Hadlay Cidda Ka Reebtay Ka Midnoqoshada Xubnaha Loo Xulayay Komishanka Doorashooyinka


Hargeysa(HWN):-Xubintii madaxweyne Biixi uu dib ugu celiyay golaha guuritda Somaliland Fowsi Faarax ayaa si rasmi ah madaxweynaha ugu cadeeyay in uu dib u soo celiyay isaga oo ku eedaynaaya inuu xisbiga Waddani ka tirsan yahay.




Fowsi Faarax ayaa sheegay in aanay soo celintiisu qarsoonayan tirabana sadex wasiir ay si rasmi ah ugu sheegeen inay ku diideen in uu xisbiga Waddani ka tirsan yahay, waxaanu sheegay in aanu guddoomiye Cirro wax been ah sheegin warkaasna uu isagu kala cadaynaayo, waxaanu la hadlay wariye Cali Xaraare isaga oo markaas gaadhay dalka Maraykanka oo uu marka hore ka yimi, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay " In la diiday iyo in aan la diidin wax muran ah kagama jiro dhankayga, waa wax la diiday,booskani waa boos shaqo shaqadana waa la codsan karaa oo qof kasta oo reer Somaliland ah ama dadkaas ah, waan codsaday, wadadii loo mari jirayna waan maray oo guurida ayay laba martaa oo anigu wadadii aan is lahaa waad mari kartaa ayaan maray, aniga iyo Cabdiraxmaan Dixood markaas guurtidaanu marnay,wax muran ku jirana maaha, madaxtooyada ayaa loo gudbiyay oo ay mudo la tiilay mudadaasba waxa la lahaa xubintaas Fowsi Faarax waxa uu ahaa Waddani ayaa lagu diiday, guurtidu waa ay na soo gaadhsiisay.”


Fowsi oo sii hadlaayay waxa uu yidhi" waxaan isku dayay inaan madaxtooyada u caqli celiyo in aanan anigu ka tirsanayan xisbiga Waddani oo aanan xubin ka hayn oo aanan waxba ka ahayn oo maalin magaaladaydii( Yube) laygu yimi oo laga yaabaa inaad qofka soo dhawayso, hadii Muuse markaas uu magaaladayda iigu yimaadana waan soo dhawayn lahaa laakiin xisbi aan ka mid noqday iyo meel aan darjo kaga hayaa toona ma jirto,ilaa sadex wasiir ayaan arkay, afafka ay igula hadleen waxa ka mid ah in mid waliba sawirkayga soo dhufto oo uu yidhaahdo waadigan Waddani ah, ninkii ugu hadal wanaagsanaa waxa uu igu yidhi waar niyow waan arkaa inay wax qaldan yihiin laakiin waxaan ahay ragii madaxtooyada ku adkaysanaayay in ninkaas dib loo celiyo inaan maanta yidhaahdo waar ninkii maaha oo waa fiican yahay way igu adagtay, wax cad oo ay wasiiradii leeyihiin anaga ayaa ku celinay oo ay qiranayaan maanta marka la yidhaadhdo xubintii madaxtooyada lagama soo celin, ma madaxtooyooyin kale ayaa jira ma madaxweynayaal kale ayaa jira ma garanaayo.”


Waxa uu si rasmi ah u sheegay in aanu wax been ah guddomiye Cirro sheegin madaxweynuuna uu soo celiyay" Guddoomiyaha in kasta oo aanan is aqoon, run ayaad sheegtay xabad been ah kamaad sheegin waa lay soo celiyay labadii xubnood ee guurtidu gudbiyeen ayaan ahaa, kii la soo celiyayna waan ahaa, kii la’la hadhayna Cabdiraxmaan Dixood ayuu ahaa,wax qalad ah oo aad sheegtay ma jirro,cadceedaasna sacab ma qarin karo soo celintaydana sacab a qarin karo.”

Loading...
Loading...