"Muddadii Aan Xilka Haynay, Dhulka Sanaag Waxa Gacanta Puntland Soo Gashay 99% Ka Mid Ah" Madaxwaynaha Deni
Garoowe (HWN) – Madaxweynaha Maamul-gobolleedka Puntland, Siciid Cabdillaahi Deni
ayaa sheegay
in markii uu xilka ka qabtay uu Maamulkiisu boqolkiiba inta badan la wareegay
Maamulidda Bariga Gobolka Sanaag iyo Buuhoodle. Madaxweyne Deni oo shalay
hor-tagay Golaha Wakiillada isla-markaana ka jawaabay su’aalo ay Xildhibaannadu
waydiiyeen ayaa sheegay in Maamulkiisu wax badan qabtay muddadii koobnayd ee uu
xilka hayey, waxbqabadyadaana ay ka mid tahay in Maamulkiisu si wanaagsan uga
dhaqan-galay Buuhoodle.

Madaxweynaha Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi "Muddadii aan xilka haynay, dhulka Sanaag waxa Gacanta Puntland soo gashay %99 ka mid ah, marka laga reebo Yubbe iyo inyar oo la mid ah. Waxa Maanta Wasaaradihii Puntland oo dhami joogaan Magaalada Buuhoodle oo markii aanu Xilka Nimid uu khalkhal amni ka jiray iyo Gacan ku haynta Dawladda oo maqnayd..”
Sanaag-bari iyo Buuhoodle ayaa waxay Juquraafi ahaan ku jiraan khariiradda Somaliland, laakiin waxa Mulkiyaddooda sheegata Puntland oo ka mid ah Soomaaliya.
Somaliland iyo Soomaaliya oo Puntland ka mid tahay ayaa leh Xuduud Caalami ah.
Loading...
Loading...