Aniga, Askarta Kale Iyo Shacabkuba Waxaanu Dulmanayaal U Nahaysiyaasiyiin Xoogayaga Iyo Hantidayada Ku Dhiigaystay.

0
Sunday October 27, 2019 - 09:07:08 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1461
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aniga, Askarta Kale Iyo Shacabkuba Waxaanu Dulmanayaal U Nahaysiyaasiyiin Xoogayaga Iyo Hantidayada Ku Dhiigaystay.

    Waa waaji baadkayga in aan wixii dhaliila ee siyaasiyiintu ku curyaaminayaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa waaji baadkayga in aan wixii dhaliila ee siyaasiyiintu ku curyaaminayaan
wadanka aan qalinkayga ugu soo bandhigo bulshada aan waxba ka ogayn ama ugu yaraan ay dad badani ogaadaan. Waana go'aan aan qaatay sanado hore. Qoraalkan kooban waxaan ku soo bandhigayaa askari ka tirsanaan jiray Ciidanka Qaranka Somaliland kolkii uu waayey dawlad naftiisa iyo ubadkiisa daryeesha in uu ka tanaasulo shaqadii ciidanimo, waa sida uu ii sheegaye. 


"Waad arkaysaa in aanu beerta kaga shaqaynayno lix nin. Midkastaa waxa uu hayaa shaqo aasaasiya. Anigu wad aragtaayoo waxaan haramaynayaa dalagan(hoosto), ninkaasi waxa uu ka buufinayaa cayaanka, kaasi waxa uu waraabinayaa tamaandhada, saddexdaas kale waxay uun ku jiraan hawsha beerta". Sheekadani waxay na dhexmartay Cabdi, laba-xiddigle, ka tirsanaan jiray ururkii SNM. Cabdi waxaanu ku kulanay beertiisa, Oo ku taala Arabsiyo. Waxaana na dhemartay Sheeko dheer oo iswaraysi u badan. Ugu horrayn waxa uu ii sheegay, 'in uu ahaa askari ka tirsan Ururkii SNM, gaar ahaan, guutadii uu hoggaamin jiray Abdiqaadir Koosar'. Waxa kale waxa uu ii sheegay in uu la soo shaqeeyey Maxmaed Cali. "Waxaan iskay u qaatay in aan qoragi qaato oo aan jabhaddan hubaysan ku biiro si' aan waddanka u xorayno. Waxaan qaatay qori waxaanan safka hore ka galay guutooyinkii hawlgalka u diyaarka ahaa. Markii aan wadanka qabsanayna waxaan ku biiray Ciidanka Qaranka, waxaan ka soo hawlgalay xeryo badan. Muddo markii aan aha askari waxaan qaatay in an ciidannimada iska joojiyo shaqo ahaan oo aan wax kale ka shaqaysto. Waxaanan si rasmiya uga tegay 2014", ayuu igu yidhi isaga oo foorara oo yaambadii ku haramaynaya dalagii ana an dul taaganahay. Korkiisa waxaad ka garanaysaa da'da iyo shaqadii ciidanimo oo diifteedi bilaa daryeelka ahayd ka sii muuqato. Waxaad oogadiisa ka dheehanaysaa in shaqadan adag ee uu hayo aanu haynin wax ka fudud oo ka dheef badan oo uu ku beddesho. Kolkaas inta uu aamusay, korna u yara istaagay ayuu igu yidhi, "Adeer waddankan xaqban ku leeyahay, dhigaygii iyo xoogaygii ayaan u huray, waxbeddelana kamaan helin 27 sano oo aan u shaqaynayey".


Waxaan wayddiiyey, "Maan mushahar iyo cunto idin ku filan laydin siin jiray ama wax u dhigma?". Haddana inta uu aamusay oo beertii guud ahaan isha mariyey ayuu yidhi, "Dhulkaas waxa ka soo baxa ayaa nooga nafci roon, nooga barako badan, ilaahayna noo ballaadhinayaa haddanu aamino. Dawladda waad garanaysaa oo musharka askarigu waa faro guudkood. Reerna kuma filna, ana tamar iyo xoog igu may reebin". 


Waxaan waydiiyey sababta uu uga tegay shaqadiisii askarinimo ee uu sanadada badan ka shaqaynayey. Waxa uu iigu jawaabay, "Wadanka siyaasiyiin cusubi uma soo kacaan. Wadankuna siyaasad ahaan isma beddelo. Ilamaa SNM, waxaa wadanka xukunkeeda u taagan uun niman weligood saaxadda siyaasadda soo taagnaa, soona taagnaan doona. Wadanka wixii loo xoreeyey weli lana gaadhin, loomana socdo. In aan dawlad helo, carruurtayda iyo ooridayduna ay caafimaad iyo waxbarasho helaan ayaan rabay una dagaalamay. Laakiinse, taasi may dhicin oo taas beddelkeeda ayaa dhacay. Anigu waxaan noqday teed siyaasiyiinta guudka ka ilaaliya, shacabkii kalena waxay noqdeen warshada cashuurta laga guro oo aan wax beddela loo hibayn. Aniga, askarta kale iyo shacabkuba waxaanu dulmanayaal u nahay siyaasiyiin xoogayaga iyo hantidayada ku dhiigaystay, ka xoolaystay, guryo qurxoon ka yagleeshay, carruurtoodii iyo dumarkoodiina gaystay wadamo kale ama kaga yimid ba. Maalinkasta waad aragtaayo warbaahinta waxkale kama baxaan oo aan ka ahayn siyaasiyiin murmaya, xoogga askarta iyo hantida shacabka u soo haliilaya, kii yimaadaana waxa uu noqonayaa uun mid raaca dariiqii saaxiibadii ama waxa la shaqaysanaya uun siyaasiyiin ay isku fekeryihiin. Bal u fiirso, immisa siyaasi oo markii hore caydh ahaa ama hantidooda aan la aqoon ayaa maanta filooyin qurxoon ku jira, immisa askari oo jiidaha jooga ayey dumarkoodii iyo carruurtoodiina duruufaysanyihiin. Ma tan baan u dagaalamaynay? Ma sidan baan rabnay SNM ahaan?. Markaan arkay in aan dulmane ahay ayaan ka tanaasulay ciidanimadii anoo naftayda, carruurtayda iyo ooridayda u danaynaya. Immika waxaan iska fashaa beertadan waraabka aha. Nolol maalmeedka halkan baan kale soo baxnaa. Waxaanu iskaga jirnaa nimco Alle".


Hadaba, akhristow! Suuro gal matahay in aynu horumar bulsho, dhaqaale, iyo cilmiba samayno inta aynu u sacabbo tumayno siyaasiyiin 20kii sano ee ugu danbeeyey ina hortaagnaa magacooda iyo kartidoodabana aynu naqaanno?. Wadan marka la leeyahay maaha in gaara oo is xulafaysatay ay wadaagaan dheefta wadanka intii kale ay noqdaan dulmanayaal laga horjoogo. Ugu danbayn, tabtaas iyo tab ka sii daran ayey siyaasiyiinta hanti-doonka ahi wadanka hantidiisa u boobayaan inta aynu aqoonyahan ahaan ka tashanayno oo aan go'aan aan cid wanaagsan ku doorano ku gaadhayno. 


Sadam Osman Kaabash.
Biomedical Scientist.
Hargeisa, Somaliland 
Degmada: Maxamed Mooge 
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...