Aniga, Askarta Kale Iyo Shacabkuba Waxaanu Dulmanayaal U Nahaysiyaasiyiin Xoogayaga Iyo Hantidayada Ku Dhiigaystay.
Waa waaji baadkayga in aan wixii dhaliila ee siyaasiyiintu ku curyaaminayaan
wadanka aan qalinkayga ugu soo bandhigo bulshada aan waxba ka ogayn ama
ugu yaraan ay dad badani ogaadaan. Waana go'aan aan qaatay sanado hore.
Qoraalkan kooban waxaan ku soo bandhigayaa askari ka tirsanaan jiray
Ciidanka Qaranka Somaliland kolkii uu waayey dawlad naftiisa iyo
ubadkiisa daryeesha in uu ka tanaasulo shaqadii ciidanimo, waa sida uu
ii sheegaye.
"Waad arkaysaa
in aanu beerta kaga shaqaynayno lix nin. Midkastaa waxa uu hayaa shaqo
aasaasiya. Anigu wad aragtaayoo waxaan haramaynayaa dalagan(hoosto),
ninkaasi waxa uu ka buufinayaa cayaanka, kaasi waxa uu waraabinayaa
tamaandhada, saddexdaas kale waxay uun ku jiraan hawsha beerta".
Sheekadani waxay na dhexmartay Cabdi, laba-xiddigle, ka tirsanaan jiray
ururkii SNM. Cabdi waxaanu ku kulanay beertiisa, Oo ku taala Arabsiyo.
Waxaana na dhemartay Sheeko dheer oo iswaraysi u badan. Ugu horrayn waxa
uu ii sheegay, 'in uu ahaa askari ka tirsan Ururkii SNM, gaar ahaan,
guutadii uu hoggaamin jiray Abdiqaadir Koosar'. Waxa kale waxa uu ii
sheegay in uu la soo shaqeeyey Maxmaed Cali. "Waxaan iskay u qaatay in
aan qoragi qaato oo aan jabhaddan hubaysan ku biiro si' aan waddanka u
xorayno. Waxaan qaatay qori waxaanan safka hore ka galay guutooyinkii
hawlgalka u diyaarka ahaa. Markii aan wadanka qabsanayna waxaan ku
biiray Ciidanka Qaranka, waxaan ka soo hawlgalay xeryo badan. Muddo
markii aan aha askari waxaan qaatay in an ciidannimada iska joojiyo
shaqo ahaan oo aan wax kale ka shaqaysto. Waxaanan si rasmiya uga tegay
2014", ayuu igu yidhi isaga oo foorara oo yaambadii ku haramaynaya
dalagii ana an dul taaganahay. Korkiisa waxaad ka garanaysaa da'da iyo
shaqadii ciidanimo oo diifteedi bilaa daryeelka ahayd ka sii muuqato.
Waxaad oogadiisa ka dheehanaysaa in shaqadan adag ee uu hayo aanu haynin
wax ka fudud oo ka dheef badan oo uu ku beddesho. Kolkaas inta uu
aamusay, korna u yara istaagay ayuu igu yidhi, "Adeer waddankan xaqban
ku leeyahay, dhigaygii iyo xoogaygii ayaan u huray, waxbeddelana kamaan
helin 27 sano oo aan u shaqaynayey".
Waxaan wayddiiyey, "Maan mushahar iyo cunto idin ku filan laydin siin
jiray ama wax u dhigma?". Haddana inta uu aamusay oo beertii guud ahaan
isha mariyey ayuu yidhi, "Dhulkaas waxa ka soo baxa ayaa nooga nafci
roon, nooga barako badan, ilaahayna noo ballaadhinayaa haddanu aamino.
Dawladda waad garanaysaa oo musharka askarigu waa faro guudkood. Reerna
kuma filna, ana tamar iyo xoog igu may reebin".
Waxaan waydiiyey sababta uu uga tegay shaqadiisii askarinimo ee uu
sanadada badan ka shaqaynayey. Waxa uu iigu jawaabay, "Wadanka
siyaasiyiin cusubi uma soo kacaan. Wadankuna siyaasad ahaan isma
beddelo. Ilamaa SNM, waxaa wadanka xukunkeeda u taagan uun niman
weligood saaxadda siyaasadda soo taagnaa, soona taagnaan doona. Wadanka
wixii loo xoreeyey weli lana gaadhin, loomana socdo. In aan dawlad helo,
carruurtayda iyo ooridayduna ay caafimaad iyo waxbarasho helaan ayaan
rabay una dagaalamay. Laakiinse, taasi may dhicin oo taas beddelkeeda
ayaa dhacay. Anigu waxaan noqday teed siyaasiyiinta guudka ka ilaaliya,
shacabkii kalena waxay noqdeen warshada cashuurta laga guro oo aan wax
beddela loo hibayn. Aniga, askarta kale iyo shacabkuba waxaanu
dulmanayaal u nahay siyaasiyiin xoogayaga iyo hantidayada ku
dhiigaystay, ka xoolaystay, guryo qurxoon ka yagleeshay, carruurtoodii
iyo dumarkoodiina gaystay wadamo kale ama kaga yimid ba. Maalinkasta
waad aragtaayo warbaahinta waxkale kama baxaan oo aan ka ahayn
siyaasiyiin murmaya, xoogga askarta iyo hantida shacabka u soo
haliilaya, kii yimaadaana waxa uu noqonayaa uun mid raaca dariiqii
saaxiibadii ama waxa la shaqaysanaya uun siyaasiyiin ay isku
fekeryihiin. Bal u fiirso, immisa siyaasi oo markii hore caydh ahaa ama
hantidooda aan la aqoon ayaa maanta filooyin qurxoon ku jira, immisa
askari oo jiidaha jooga ayey dumarkoodii iyo carruurtoodiina
duruufaysanyihiin. Ma tan baan u dagaalamaynay? Ma sidan baan rabnay SNM
ahaan?. Markaan arkay in aan dulmane ahay ayaan ka tanaasulay
ciidanimadii anoo naftayda, carruurtayda iyo ooridayda u danaynaya.
Immika waxaan iska fashaa beertadan waraabka aha. Nolol maalmeedka
halkan baan kale soo baxnaa. Waxaanu iskaga jirnaa nimco Alle".
Hadaba, akhristow! Suuro gal matahay in aynu horumar bulsho, dhaqaale,
iyo cilmiba samayno inta aynu u sacabbo tumayno siyaasiyiin 20kii sano
ee ugu danbeeyey ina hortaagnaa magacooda iyo kartidoodabana aynu
naqaanno?. Wadan marka la leeyahay maaha in gaara oo is xulafaysatay ay
wadaagaan dheefta wadanka intii kale ay noqdaan dulmanayaal laga
horjoogo. Ugu danbayn, tabtaas iyo tab ka sii daran ayey siyaasiyiinta
hanti-doonka ahi wadanka hantidiisa u boobayaan inta aynu aqoonyahan
ahaan ka tashanayno oo aan go'aan aan cid wanaagsan ku doorano ku
gaadhayno.
Sadam Osman Kaabash.
Biomedical Scientist.
Hargeisa, Somaliland
Degmada: Maxamed Mooge
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...