Wariyeyaal Ka Hawl Gala Shabakada Caalamiga Ah Ee Hadhwanaagnews Oo La Maamuusay Iyo Maamulka Oo Bogaadiyey

0
Friday February 01, 2019 - 16:42:29 in Highlights by Super Admin
  • Visits: 1162
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wariyeyaal Ka Hawl Gala Shabakada Caalamiga Ah Ee Hadhwanaagnews Oo La Maamuusay Iyo Maamulka Oo Bogaadiyey

    Hargeysa(HWN):-Ururka Sodra ayaa maamuusay hawl wadeeno ka tirsan shabakada caalamiga ah ee Hadhwanaagnews oo ka mid noqday shakhsiyaadka sanadkii tagay ee 2018 horumarka bulshada ka qayb qaatay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(HWN):-Ururka Sodra ayaa maamuusay hawl wadeeno ka tirsan shabakada caalamiga ah ee Hadhwanaagnews oo ka mid noqday shakhsiyaadka sanadkii tagay ee 2018 horumarka bulshada ka qayb qaatay.
Wariyaha Hadhwanaagnews ee magaalada Burco Khadar Cabdirisaaq Saleebaan iyo Maxamed Aadan Ismaaciil(Jiglan) oo ka mid ah hawl wadeenada Hargeysa ayaa lagu maamuusay doorka ay ku lahaayeen horumarka dhinaca saxaafada ee ay sameeyeen sanadkii tagay ee 2018.

Ururka Sodra ayaa labadan suxufi ee ka tirsan shabakada Hadhwanaagnews ku maamuusay dedaalka iyo kartida ay la yimaadeen, iyada oo ku daray shakhsiyaadka la maamuusay sanadkii tagay ee 2018.


Dhinaca kale gudoomiyaha guud ee shabakada Hadhwanaagnews Axmednasir Jibriil Faarax, agaasimaha shabakada Cabdirisaaq Good Nuur, tifaftiraha shabakada Cabdiraxmaan Sheekh Xasan iyo hawl wadeenada kale ayaa bogaadiyey saxafiyiinta la maamuusay ee ka hawl gala shabakada, kuwaas oo ku booriyey inay sii wadaan dedaalka ay ku jiraan.

Shabakada Hadhwanaagnews iyo hawl wadeenadeeda kala duwan ayaa hadyo goor dedaal ugu jira sidii ay bulshada u soo gaadhsiin lahaayeen warar sugan oo  xaqiiqada ku salaysan.
Loading...
Loading...