Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Aragtidooda Ku Waajahan Rabshadaha Ka Socda Itoobiya

0
Sunday October 27, 2019 - 08:17:04 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2189
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Aragtidooda Ku Waajahan Rabshadaha Ka Socda Itoobiya

    Hargeysa (HWN)-Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay rabashadaha ka socda Dalka Itoobiya,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (HWN)-Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay rabashadaha ka socda Dalka Itoobiya, gaar ahaan Deegaanka Oromada, waxayna sheegtay inay ku rajo weyn tahay in rabashadaahaasi ay ku dhammaadan nabadgalyo iyo xasilooni.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Prof:Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo Wargeyska Geeska Afrika wax ka weydiiyey aragtida Xukuumadda Somaliland ee rabshadaha Itoobiya ka socda iyo saamaynta ay Somaliland ku yeelan karaan ayaa ku jawaabay "Deganaasho, xasilooni iyo nabadgalyo inay ku dhammaadan rabshadaha  socda ayaanu ku rajo weynahay, sababtoo ah Itoobiya waa Wadan aynu jaar nahay, oo aynu xidhiidh dhinacyo badan aynu leenahay, dabcan wax walba oo ku yimaadan saamayn bay inagu yeelanayaan, markaas waxaanu rajaaynaynaa in rabashadaha ka socda Deeganka Oromada inay nabada ku dhammaadan, waxaana aynu filaynaa inay Dawladda Itoobiya ay dadaal dheer u galayso sidii amaanka halkaas u islaaxin lahayd, deganaashana ay ugu soo celin lahayd”.


Loading...
Loading...