Maxaa Ka Jira In Xukuumadu Xabsiga Dhigtay Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr?

0
Saturday October 26, 2019 - 13:09:52 in News by
  • Visits: 2832
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Ka Jira In Xukuumadu Xabsiga Dhigtay Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr?

    Maxaa Ka Jira In Xukuumadu Xabsiga Dhigtay Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa Ka Jira In Xukuumadu Xabsiga Dhigtay Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr?


Hargeysa(HWN):-Warar soo baxay ayaa sheegay in xukuumada somaliland ay xabsiga ku hubsatay abwaan Siciid Maxamudu Gahayr oo ka mid ah haldoorka bulshada somaliland.

Image may contain: Siciid Maxamuud Gahayr


wararka ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada amaanku ay gacanta ku dhigeen abwaan Siciid Gahayr ayaan la garanayn sababaha keenay inay bartilmaameedsadaan iyo cida dacwaynaysabaa.


Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr ayaa fariin uu goor dhawayd soo dhigay bartiisa Facebook waxa uu ku sheegay in xukuumada oo adeegsanaysa ciidamadeeda boolisku ay ku guuldaraysteen inay gacanta ku dhigaan.


fariinta abwaan Siciid Gahayr ayaa u dhignayd sidan:-


Waxa aannu ciidanka booliska Somaliland is baacsannay buuro, bannaano, oodo iyo laagag illaa dadka aanu ka libidhnay. Waxa aan moodayay inay intan tababar dhaamaan. Laakiin saaka sayn way iga jari waayeen.


Dadkii aan ka libdhay ayaa mooday in la i qabtay.

Loading...
Loading...