Naanaysta Muuse-Handaraab Ma Saxbaa Mise Waa Khalad…W/Q Rashiid Sulub Caalin

0
Thursday March 21, 2019 - 22:14:59 in Articles by
  • Visits: 2201
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Naanaysta Muuse-Handaraab Ma Saxbaa Mise Waa Khalad…W/Q Rashiid Sulub Caalin

    Naanaysta Muuse-Handaraab Ma Saxbaa Mise Waa Khalad…W/Q Rashiid Sulub Caalin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Naanaysta Muuse-Handaraab Ma Saxbaa Mise Waa Khalad…W/Q Rashiid Sulub Caalin
Sida aynu ogsoonahay, waxaynu ku biirnay Dalalka Dimuqraadiga ah tan iyo waqtigii aynu bilownay habka Nidaamka Xisbiyada badan ee lagu kala xulanayo Masuuliyiintii maamuli lahaa Dalkan mid hoose iyo Madax sareba. Taasi waxay inoo saamaxday, in ay bulshada iyo Madaxda ay soo doortaanba u bislaadaan in lagu wada dhaqmo hab ixtiraam iyo is dhaliilidba leh oo lagu wada jaan-qaadayo. Sida aynu ognahay, sannadihii u dambeeyey waxa muuqatay in bulshadu ay habab kala duwan oo af-garasho ah iyo magacyo Naanays ah u bixiyaan Madaxda qaarkood amma badankoodaba, iyadoo la isla fahmo marka lagu dhawaaqo naanaysta loo bixiyey Masuulkaasi, maadaama ay si dhib yar u faafto waxyaalaha laga sheego Madaxdu. Ceebna inaguma aha marka aad eegto sida uu Caalamka Dimuqraadiga ahi ula dhaqmo Madaxdooda oo haddana aanay juuq u odhan amma ka xanaaqin, iyadoo inta badan la daba galo dabeecadahooda, dhaqankooda iyo shaqada ay Qaranka u hayaanba.


Marka aynu ku soo noqono Dalkeena Somaliland, dhowaan Markii la doortay Madaxweynaha imika talada haya Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa judhiiba lagu qabtay oo lagu dhajiyey sida xanjada Naanays la yaab leh oo loogu yeedhay ‘Muuse-Handaraab’. Sida aynu iska wada fahmi karnana, waxa loola jeedaa inuu yahay Madaxweyne ku ad-adag habka bixinta lacagta shaxaadka, iska-aamusiinta af-miishaarka iyo hab kasta oo lacag qeyral sharciya lagu bixiyo. Sida dhaqanka Waddamada Soo koraya amma Afrikaanka badankoodu ku dhaqmaan oo sidii la doono loo bixiyo lacagta Xukuumadda iyadoon loo aabbo yeelayn, iyadoo markaa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi laga waayey dhaqankaas aynu sheegnay.


Haddba waxa muhiim noqotay sida Ilaahay ina faray, inaynu feker iyo wax is waydiin la nimaadno inta adduunkan aynu korkiisa joogno. Sidoo kalena, adduunyada hore u martay iyo kuwa fekerkoodu fayow yahayba waxay sheegayaan in cilmiga iyo aqoonta aynu leenahay had iyo jeer aynu ku cabirno dhibaatooyinka amma dhacdooyinka ina horyimaadda bulshada dhexdeeda.is-waydiimahaas oo ka dhasha kolba wixii cusub ee ku soo kordha dhaqanka bulshadaas iyo dabeecadaha ummadeed ee kolba isla beddelaya waqtiga. Waxaana badanaa qiimeeya amma daraasadeeya dad takhasus gaar ah u leh Cilmiga Bulshada (psychology) iyo Cilmi nafsiga (physiology). Haddaba, waxa muuqata in Culimadaas baratay cilmiyadaas lagu cabirro dabeecaddaha bulshada iyo dhaqankoodaba inay ka gaabiyeen inay daraasadeeyaan qaddiyadaha bulsho ahaan inagu soo kordha ee Cilmigooda u baahan.


Haddaba, Qoraa ahaan iyo Mufakar ahaan haddii aan isku qaaddo in la taxliilo qaddiyaas muhiimka aan u arko ee magacaaas Muuse-handaraab ku lug leh waxay ila tahay inaynu is waydiino afar su’aalood inagoo sangaabta ka raacayna.


1.What (waa maxay naanaysta)?

·Waa magac-naanayseedka Madaxweyneheena lagu dhajiyey.

2.When (goorma ayaa loo bixiyey naanaysta)?

·Isla judhii uu shaqada Xafiiska bilaabay ayaa lagu dhajiyey Naanaysta.

3.Why (sababtee loogu bixiyey)?

·Waxa la maleeyey amma la tusaaleeyey inuu xidhan doono qasnada Dowladda oo laga qatanaan doono.

4.Who (yaa bixiyey Naanaysta)?


·Waxa naanaysta bixiyey dad gaar ah oo ku mamay inay hantida guud ee Qaranka ku qaataan hab dadban oo sharci ahayn.


Fallanqeyn: waxay si dhow ugu muuqataa in ay maskaxdooda iyo maankooda ka soo maaxatay dad dano gaar ah leh oo markii ay arkeen natiijaddii Doorashadu sida ay u dhacday amma sida ay shaqada Xukuumaddu u bilaabantay ka dhex arki waayey danahoodii ay ka filayeen ee gaarka ahaa dabadeedna isku qaaday inay sumcadda iyo haybadda Madaxeynaha ay waxyeeleeyaan oo ay dadka u tusaan in dhaqaalihii Waddanku uu baaba’ayo meel walbana laga soo xidh-xidhmayo si ay dadweynuhuhu ugu soo jeestaan Madaxweynaha iyo Dowladda.


Xaqiiqadda:


·Caqligeena saliimka ahi sida uu inoo sheegayo idinkuna aad igu waafaqi kartaan, waxa qof kasta oo Madaxweyne noqda laga rabaa in marka u horreysa ee uu xafiiska qabto inuu ilaaliyo ammaanada ummaddu u dhiibtay.

·In Madaxweynuhu garabkiisa u raariyo (garab-raarin) oo uu bulshadiisa si hufan ugu adeego.

·Waxana ay u cuskanayaan Naaneystaana ,waxaba la odhan kara duruufahani adage ee dhaqaalaheenu ku sugan yahay ,waa wax adduunweynaha wada saameeyay,dhibaatooyinka jirna ee dib inoo dhigana waxa iyaddana odhan kara ,waxay jireen intaanu ba dhalan Muuse Biixi,sida Maalka maalin walba lagu baabi’inaayo QAADKA,iyo Dadkeenii u jeesan la WAX-SOO-SAARKA,dhaqankeena siloon ee ah lacag bilaash ah oo aynu u haliileynu in aynu si fudud ku helo.

·Waxa Miiska yaala oo aynaan ka baxsan Karin, waxay illa tahay in aynu Muuse iyo Xisbigaasa kula xisaabtano at end of the day maxay ka qabteen qorshahii lagu soo dortay ee looga fadhiyay,oo aynu isga deyno waxii aan midho dhalineynin.

Sidaa awgeed, waxa aad ila dareemi kartaan in macagaa Naanaysta ah aanu u qalmin Madaxweynuhu, isla markaana aanu gayin dacaayado raqiisa oo lagu doonayo in dano gaar ah lagu fushado. Sidaa awgeed, waxa aniga iyo inta qalbigoodu caafimaadka qabo-ba aanu raaligalin ka siinaynaa magacaa iyo dacaayadaha jaban ee lagula dul dhacayo Madaxweyne sharaf leh Qarankiisana daacad u ah. Waxaana hubaal ah oo rajaynayaa, in dhabaha uu imika hayo Madaxweynuhu ay tahay tii aan kula dardaarmay markii la doortay ee ahayd, in Shaadh-madoobaha (danaystaha, danta –guud ka leexdaha, af-miishaarka iyo ma-shaqaystaha) uu keeno Madaxweynuhu nidaam hoosta marinaya oo caddaadinaya, isla markaana Shaadh-caddaha (da’ yarta Waddanka wax u baratay iyo dadka u hoggaansan danta guud ee ka reebban muluq-muluqda iyo xaaraanta) in uu keeno Madaxweynuhu nidaam dusha soo marinaya oo ay dadka u adeegaan.

Fiiro gaar ah: sidaad igu barateen ugalama jeedo in aan cid gaar ceebeeyo amma aan dan gaar ah ka leeyhay, waxaana aan ka hadlayaa uun danta guud ee laygu bartay.

Wabillaahi Towfiiq,

Qalinkii: Qoraa Rashiid Sulub Caalin. Email. [email protected]

Hargeysa, Somaliland

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...