Beesha Caalamka Oo Ka Walaacsan Dimuqraadiyadii Iyo Xoriyatul Qawlkii Somaliland

0
Saturday October 26, 2019 - 11:40:20 in News by
  • Visits: 2924
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beesha Caalamka Oo Ka Walaacsan Dimuqraadiyadii Iyo Xoriyatul Qawlkii Somaliland

    Beesha Caalamka Oo Ka Walaacsan Dimuqraadiyadii Iyo Xoriyatul Qawlkii Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Beesha Caalamka Oo Ka Walaacsan Dimuqraadiyadii Iyo Xoriyatul Qawlkii Somaliland


Waddamada Beesha Caalamka ee Somaliland ka taageera dhinaca horumarka iyo dumuqraadiyadda ayaa aamminsan in dimuquraadiyadda Somaliland hoos u socoto, islamarkaana madaxda Somaliland laga la’yahay bisayl siyaasadeed iyo horusocod dhanka doorashooyinka ah.

Beesha Caalamka Oo Somaliland Ka Walaacsan


Ergayga gaarka ah ee Midawga Yurub oo dhawaan kulamo Hargeysa kula qaatay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa faro madhan kala noqday dhexdhexaadinta dhinacyada oo ku muransan xubnaha cusub ee Komishanka doorashooyinka.


Xogo uu helay wargeyska Geeska Afrika ayaa sheegaya in warbixinta ergaygu ku celiyay dalalka Somaliland ka taageera horumarka iyo dimuqraadiyaddu ay muujisay in Somaliland hoos u socoto dhanka doorashooyinka si kasta oo ay wakhti iyo dhaqaale u galiyeen horusocodsiinta dimuqraadiyadda.


Waxa la filaya in ay dhambaal ay ku midaysan yihiin dalalkani soo gaadhsiiyaan madaxweyne Biixi, islamarkaana wefti kale oo culus u soo diraan maaddaama ay farta ku godayaan xukumadda oo laga la’yahay fududaynta iyo hawl socodsiinta arrimaha doorashooyinka.


Xisbiga Waddani iyo madaxweyne Biixi ayaa labadii sanno ee uu xilka yahay waxay ku muransan yihiin Komishanka taas oo noqotay caqabada koobaad ee doorashooyinka hor taaggan iyada oo ay jiraan caqabado badan oo u baahan in wax laga qabto.


Mucaaradka ayaa madaxweyne Biixi ku eedeeyay in aanu doorasho diyaar u ahayn islamarkaana uu muran bilaabayo marka khilaaf dhammaadaba laakiin, madaxtooyada lafteeda ayaa ku adkaysanaysa in ay doorasho diyaar u tahay.


Loading...
Loading...