Hooyo Iga Raali Noqo Waan Qarqoomayaa!!

0
Saturday October 26, 2019 - 11:40:02 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2525
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hooyo Iga Raali Noqo Waan Qarqoomayaa!!

    Waxaan halkaan salaan qaaliya uga dirayaa dhamaan warbaahinta madaxa banaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan halkaan salaan qaaliya uga dirayaa dhamaan warbaahinta madaxa banaan

iyo akhristaha wanagsan ee markasta diyaar u ah in uu cilmi ama qormo cusub fa,iidaysto. Intaa ka dib.

 

Wan ka xumahay hooyo waayo doontii ayaa ku dhaw inaay nala qarqoonto , waanan awoodi wayay inaan gaadho halkaan doonayay , imaay suurto galin inaan ku soo diro daayntii laynugu lahaa ee aan safarka ku soo galay.

 

Ha murugoon hooyo hadaad waaydo maydkayga , maxaad ka faaidaysaa imika waxa uu kugu kordhinayaa  kharash kale oo soo qaad aan halkan ku aasno ah .

 

Wan ka xumahay hooyo , waayo maan helin shaqo taasina waa ta sababtay inaan safro sida qayrkay u safreen , aniga oo og inaay riyadaydu aanay weynaayn sida asxaabtayda .

 

Wan ka xumahay saaxiib ,  waayo waxaan kugu sababay warwar iyo walbahaar .

 

Wan ka xumahay walaalo , waayo maan awoodin inaan ku soo diro 50$ an kugu balan qaaday bil kasta sidaad qayrkaa ula sinaatid .

 

Wan ka xumahay walashay , waayo kuuman soo dirin mobilekan kugu balan qaaday inaad asxaabtada kula jaan qaadid .

 

Wan ka xumahay gurigaygii quruxda badanaa , waayo maantaba meel ka fog ayan jooga .

 

Wad mahadsantahiin badmaaxayaasha iyo cilmibaadhayaasha  markasta u heelan inaay dadka badbaadiyaan balse anigu ma garanayo magaca badda an ku qarqoomay ,

 

Wad mahadsantahay baddaay waayo waxaad nugu soo dhawaysay passport iyo visa la,aan isla markaan wad mahadsantahay kaluun waayo wad na cunaysaa adiga oon na waydiin , xagee ka timaaden , diintee ayad wadataan , xisbigee ka tirsan tihiin .

 

Wad mahadsantahiin channelalada wararka oo markasta soo tabinaya warka dhimashadayda , 5 mint saacad kasta .

 

Wad mahadsantahiin dhamaantiin waayo waad noo murugoon doontaan markaad maqashaan warkayaga .

Wan ka xumahay , wanan ka murugoonayaa inaan qarqoomay. (*)

qisadan waxaan ka turjumay iyada oo ku qoran luuqada carabiga.

 

Qoraa : Deeqa Cabdiraxmaan Ismaciil ( Deeqsan)

 

Email : [email protected]

 

Hargeisa – Somaliland


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...