Ujeedada Kulan Dhexmaray Raysal Wasaare Khayre Iyo Safiirka Cusub ee Dowladda Talyaaniga u Jooga Soomaaliya

0
Saturday October 26, 2019 - 11:34:57 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1542
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ujeedada Kulan Dhexmaray Raysal Wasaare Khayre Iyo Safiirka Cusub ee Dowladda Talyaaniga u Jooga Soomaaliya

    Muqdisho, ---Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS),

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho, ---Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS),

 mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan la qaatay Danjiraha cusub ee Dowladda Talyaaniga u jooga Soomaaliya, Alberto Vecchi.

 

Kulanka dhex maray Ra'iisul Wasaaraha iyo safiirka cusub ee Talyaaniga ayaa looga hadlay xoojinta xariirka qotada dheer, soo jireenka ah ee ka dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa safiirka uga mahad celiyay taageerada joogtada ah ee Talyaaniga oo saaxiib dhaw la ah Soomaaliya ku bixiyo horumarka dalka oo ay qayb ka tahay qorshaha deynta looga cafinayo dalka.

 

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa October 16, 2019warqadaha safiirnimo ka guddoomay danjire Alberto Vecchi.

 

---DHAMMAAD----


Loading...
Loading...