Cambaareyn Ka Dhalatay Nin Ay Iiraan Faraha Ka Jartay
Ha'yadaha u doodo xuquuqul insaanka ayaa sheegtay in ninkan uu ku jiray xabsi ku yaal gobolka waqooyiga dhaca ee Mazandaran isla markaasna tallabadaas ay aheyd tacaddiyo daran oo ka dhan ah xuquuqul insaanka.
Saraakiisha Iiraan waxay sheegeen in ninka faraha laga jaray uu ku lug lahaa 28 dhacdooyin oo xatooyo ah.
Sharciga Iiraan ayaa dhigaya in qofkii wax xado lagu ciqaabo in laga jaro afarta farood ee gacanta midigta.
Waxay mas'uuliyiinta dalkaas sheegeen in tallaabadan ay tahay qaabka ugu wanaagsan ee looga hortaggi karo falalka xatooyada ah ee ka dhaca dalkaas inkasta oo ay ha'yadaha xuquuqul insaanka walaac ka muujiyeen.
Saalax Xigazi oo ah ku-xigeenka ha'yadda Amnesty International ee Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika ayaa sheegay in tacaddiyaddaas iyo dhibaateynta shakhsiyaadkaas aysan aheyn mid caddaalad ah.
BBC


0 





