Ciyaaryahanka Christiano Ronaldo Oo Dhaleecayn Kala Kulmaya Taageerayaasha Juventus Iyo Halka Ay Salka Ku Hayso

0
Friday October 25, 2019 - 13:04:12 in News by
  • Visits: 2018
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciyaaryahanka Christiano Ronaldo Oo Dhaleecayn Kala Kulmaya Taageerayaasha Juventus Iyo Halka Ay Salka Ku Hayso

    Ciyaaryahanka Christiano Ronaldo Oo Dhaleecayn Kala Kulmaya Taageerayaasha Juventus Iyo Halka Ay Salka Ku Hayso

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciyaaryahanka Christiano Ronaldo Oo Dhaleecayn Kala Kulmaya Taageerayaasha Juventus Iyo Halka Ay Salka Ku Hayso


Ciyaaryahanka Christiano Ronaldo ayaa dhaleecayn kala kulmaya qaar ka mid ah taageerayaasha kooxda Juventus oo ku eedaynaya inuu ka xun yahay guul muhiim ah oo ay kooxdu gaadhay.




Ciyaar ka tirsan tartanka kooxaha yurub ee Champion League oo ay kooxda Juventus wajahday kooxda Lokomotiv Moscow ayey kooxda Torino ku gaadhay guul cidhiidhi ah ka dib markii uu laacibka Paulo Dybala u dhaliyey goolka guusha daqiiqadii 80aad.

 As Paulo Dybala wheeled away to celebrate, Cristiano Ronaldo stood with his hand in the air

Kamaradaha ayaa qabtay ciyaaryahanka Christiano Ronaldo oo gacanta taagay markii uu goolka guusha dhaliyey Dybala taas oo taageerayaasha kooxda Juventus u fasirteen inuu ka xun yahay goolka uu saaxiibkii dhaliyey isla markaana uu ku sheegayo inuu offside yahay.


Wargeyska the Sun ayaa baahiyey in mid ka mid ah taageerayaasha kooxda Juventus uu twitter-ka ku qoray "Dybala ayaa dhaliyey goolka guusha ee kooxda Juventus halka Ronaldo uu dalbanayo Offside halkii uu kala dabaal dagi lahaa”


Sidoo kale wargeyska ayaa shegay taageeraha lagu magacaabo Mario Reyes uu isna qoray "Ronaldo waxa uu dalbanayaa calanka sheega Offside.”


Taageerayaasha ayaa doodahan ku salaynaya in Ronaldo uu ka xun yahay guusha ay kooxdu gaadhay maadaama aanu isagu dhalin goolka madiga ah ee ay kooxdu sadexdii dhibcood ee ciyaarta ku hanatay.

Loading...
Loading...