Dawlada Tanzania Oo Xabsiga Ku Gurtay Ajaanib Chine U Dhashay Iyo Sababta Keentay

0
Friday October 25, 2019 - 12:12:59 in News by
  • Visits: 2170
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Tanzania Oo Xabsiga Ku Gurtay Ajaanib Chine U Dhashay Iyo Sababta Keentay

    Dawlada Tanzania Oo Xabsiga Ku Gurtay Ajaanib Chine U Dhashay Iyo Sababta Keentay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Tanzania Oo Xabsiga Ku Gurtay Ajaanib Chine U Dhashay Iyo Sababta Keentay


Mas’uuliyiinta dalka Tanzania waxay xabsiga u taxaabeen afar qof u dhashay dalka Shiinaha oo la siiyay qanddaraas ah inay dhameystiraan mashruuc dowladda Tanzania ay ka fulineysay magaalo xeebeedka Dares Salaam.



Waxaana la sheegay in dib u dhac uu ku yimid howshii loo dhiibay.

Shaqaale u dhashay Shiinaha ayaa mashruuyo dhowr ah ka fuliyay Tanzania

Saddexda nin iyo haweeney waxaa shaqaaleysiiyay labo shirkadood oo qanddaraas lagu siiyay inay dhisaaan Kanaal iyo waddo kaddib markii halkaas ay saameeyeen roobab mahiigan ah oo ka da’y dalka Tanzania.


Amarka lagu xirayraggan waxaa uu kasoo baxay Barasaabka gobolka Dar es Salaam, Paul Makonda sii tusaale ay ugu qaataan dadka kale ee ka gaabiyay shaqooyinka ay dowladda u xilsaartay, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.


Madaxa fullinta maamulka gobolka Abubakar Kunenge, wuxuu sheegay ‘in muwaadiniinta Shiineeska ah ay ku jiri doonaan xabsiga habeenkii, waxaana maalinkii la geynaya goobta uu mashruuca ka socdo si ay howsha u dhameystiraan’.


Wuxuu intaas ku daray in mashruuca uu yahay mid dan u ah shacabka isla markaasna ciddii dhaqan gelin weyso qanddaraaskii la guddoonsiiyay in aysan sii joogi doonin Dar es Salaam.




BBCsomali
Loading...
Loading...