Shirkada DP World Oo Ka Hadashay Saamaynta Uu Ku Yeeshay Go'aankii Jabuuti Kaga Saartay Dekeda Doraleh
Hargeysa(HWN):-shirkada laga leeyahay wadanka imaaraadka ee DP World ayaa soo bandhigtay dhaawac dhaqaale oo ka soo gaadhay heshiiskii dekeda Doraaleh ee ay ka baxday dawlada Jabuuti.
Shirkada DP World ayaa sheegtay in talaabadii ay jabuuti kaga baxday heshiiskii dekeda Doraaleh uu ku keenay inay heli waydo dhaqaale ay maalgelin ku samayso oo ka soo amaahato bangiyada caalamiga ah.
Maamulaha shirkada DP World Suldan Axmed oo ka hadlayey dalka Rwanda ayaa sheegay in talaabadii ay qaaday dawlada Jabuuti uu dhaawac ku keenay kalsoonidii lagu qabay, mashaariicdii ay maalgelin jirtay iyo bangiyadii ay ka heli jireen daymaha.
Maamulaha shirkada DP World ayaa hadalkan ku dhawaaqay wadanka Rwanda oo uu kaga qayb galayfuritaanka mashaariic ay shirkadu ka hirgelisay wadankaasi, waxaanu si gaar ah walaac xoogan uga muujiyey kalsooni daro ay ka qabaan bangiyadu, isaga oo si gaar ah farta ugu fiiqay in warwarka baananku la xidhiidho in haddii ay shirkadu ka amaahato lacag ay maalgelin ku samayso ay dawladuhu qaadan karaan go’aan la mid ah kii dalka jabuuti.
Dowladda Jabuuti ayaa Shirkadda DP WORLD waxaa Maamulka dekadda Doraaleh ay kala wareegtay Bishii Febaraayo sanadkii 2018,waxana tallaabadaasi ay ka dhalatay muran soo jiitamayay tan iyo sanadkii 2012kii.
Shirkadda ayaa go'aanka dowladda Jabuuti ku tilmaamtay mid aan sharciga waafaqsaneyn, waxaana madaxa shirkadda uu sheegay in wali DP WORLD shirciyad u heysato in ay ka sii shaqeyso dalkaasi Jabuuti.