Dad Weynaw Reer Somalilandaw Wax National Effort La Yidhaa Wadankakama Jiro.

0
Friday October 25, 2019 - 10:00:52 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1529
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dad Weynaw Reer Somalilandaw Wax National Effort La Yidhaa Wadankakama Jiro.

    National effort wax kale maaha waa dawladnimo taama oo hawl daadajin wadanka ka laga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

National effort wax kale maaha waa dawladnimo taama oo hawl daadajin wadanka ka laga
samayn karo imika kama jirta ma jirto haab keedana lama hayo. Dhinaca tayada dawladnimo waa boqol kiiba toban oon dhaafsiisnayn wax qabadkeedu Madaxtooyada, xafiisyada wasaaradaha oo la qurxiyo, Shanta magaalo ee waaweyn ama dawlad wax u eegi ka dhaqaaqo waa Hargeysa Borame Berbera Burco iyo Gebiley waxa kale waa shaqadoodu waa badhisaab qarfo jooga.


Ummaddii iyadoo aan wax loo qabtaa jirin ayaa timaa la isugu xidhay oo cashuurta yar iyo wixii caawimooyina waynu arkaynaa in dhul lagu boobayo oo masaakiin lagu bari kicinayo.


Runta marka loo kuurgalay maamul ay SOMALILAND ka mid yahay gidigood isku si baa loogu shaqaystaa waxa qudha oo ay SOMALILAND kaga duwanayd maamul goboleedyada kala iyadu waxay hanti shacab iyo xuduud mar la ictiraafay ayey lahayd oo macquul ahayd inay ictiraaf ku heli karaysay hadday ku socon lahayd haddii Tuur, Egal iyo Riyaale hayeen laakiin nasiib darro Xusbiga Kulmiye qaranimadii buu khiyaameeyey oo wadadii intuu ka badhay madaxweynayaashii hore ayuu tubtii dawlada goboleeyada Somalia raacay oo madaxnimadii wax maal lagu urursado sado ka yeelay dadkiina qabaail timaha isugu xidhay. Imika waxaa cad xafiiska madaxtooyada iyo xafiisyada wasiirada waxay loogu shaqaystaa si baayacmushtari oo dhul iyo aqalaa la kala iibsadaa nin kaloo madaxi wuxuu isu bedelay Entrepreneur xitaa madaxweynuhu waa Entrepreneur. Sheekada siyaasadda shacabkuunbaa la iskaga horkeenaa waayo waa shacab aan dawladnimo aqoon u lahayn.


IMIKA haddaad u kuurgasho shaqada wasaarada iyo hayada badankoodu was magac u yaal soo qabo wasaarada Xannaanada xoolaha, dhaqaalaha,qorshaynta, maaliyadda Caafimaadka tacliinta Dekedda, Macdanta wasaaradda gudaha gidigood waa ENTREPRENEUR WADANKA IIBGEEYA , MADAXWEYNE WAA ENTREPRENEUR UGU WEYN waxa suudhadhka loo xidhaa waa wax iibin. Dagaalada iyo MUSHKILADAHA reeraha waa tools ka dadka lagu jeediyo. Wasaaradda Xannaanada xooluhu waa magac u yaal xoolo iyo reer miyi wax ay u qabatoo la dhexeeya ma jiro. Xoolaha Somalidu xannuun ma qabaan ee marketing kii adduunkoo ayaanay lahayn oo tartanba kuma jiraan markaa suuqii sidaasay uga baxeen. Hilibka xoolaha Australia sida loo iibgeliyo ball soo eega big companies baa advertise ka soo saara, magaasiino iyo reports iyo wax walba si joogta ah bay adduunkoo uga helaan xitaa laaluush bay siiyaan customers sida carabta oo kale markaa xooleheenu cid ma leh.


Wasaaradda qorshaynta waa meel madhan oo ummadda wax tusi karin. Wasiirka maaliyadda waa xisaabiyaha madaxtooyada.

Waxaa inagu soo socda beri dhaw madaxdeena isu bedeshay entrepreneur Miidhan oo xoolaha ay wadanka ka dhacaan oo laga sii dhici doono.


Waa sababta wax National Efforts Aanay Wadanka Uga Jirin Waayo Shaqo Kale Ayaa Lagu SiiJeedaa. Daadka Yar Ee Dadka Madhiyey Ayaa Amar LagaSoo Saari Karin Si Aan Loo Marin Marka Daadku Soconayo Maxaa Wacay Madaxdii Entrepreneur Bay Isu Bedeleen Dhul Iyo Macdan Iyo Deked Iyo Beero Ayaa La Kala Iibinayaa. Mashaariicda Caawimadana Waa Khabaynayaa Reer Hebel Wax Loo Hayaa Majiro Ee Shacabkaa Qabyaalad Lagu Sikhraamiyey Iyo Qaad Iyo Khamro.

M Bashe

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...