Uur Ku Baalayaaliyo Indho Qudhaanjo Qaar Lahoo, Laga Qarin Karaynmiiq,
SALAAN GAAR AH BAHDA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA.
1-UUR KU BAALAYAALIYO,INDHO QUDHAANJO QAARLO,
LAGA QARIN KARAYN MIIQ,AYUU QARANKU LEYAHAY,
QUNYAR KAAN U SOCONEE,QUUDAREYA MAALKOOW,
QOFNA ERSAN MAYSIDE,ADIGU QOORTA SOO DHIGO.
2-QARAAMAAD KA NOO GURAY,QAANBUU NA SIIYOO,
QOOLNA WUU GELIYO,QARASHKIISU NAGU MAQAN,
QURBANKAA KA XADAYOOW,QIYAAS XAALADEENO,
QADISAYOO INTII KALE,QAYBTOODAD CUNAYSAA.
3-QADIIM HEESABAA TIDHI,QALINKII KU XADAYOOW,
QAAXAD U HALIS TAHAY,QIYAAMIIN KUU HADHAY,
QURUXDA IYO LAAFYUHU,WAA INTAN LA QABANE,
QOFBA LABADA LEGYEE,QOL MADOW KUSOO XIDHA.
4-QAXAR BAAD ABUURTOO,DABIN QOOBKA GELISOOD,
QUDUNQUTOOY KU QUUSO,QAYRKAANA GAADHSII,
QAATEE QAADADI IYO,QARASH URURSO LAGA GUUR,
QAASHARANAYOOW QUUDAAN JIRIN QORYO U GURO.
ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!