Al-Laylkii Xalay Riyoodoo, Udub Bay Hor Timiyoon, Oogsaday Intoonkacay.

0
Friday October 25, 2019 - 09:50:56 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1161
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Laylkii Xalay Riyoodoo, Udub Bay Hor Timiyoon, Oogsaday Intoonkacay.

    BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (ASCWRWB).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (ASCWRWB).


SALAAN KADIB WAXAN MID KHAAS AH U SOO DIRAYAA,

BAHDA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA

1-XISBIGII AQOONTIYO,ARAGTIDA DADWEYNA,

AFTI LAGU ABUUREE,KA IFTIIMAY GEESKOW,

AASASAHAAGII NAXARIIS,ALLUHU (S.W.T) SII,

ILBAX WAAYO ARAGO,INDHEERGARADBU HA,

IFKAN LAGUMA WAARE,ALLEHIISI OOFSADAY.

2-INDHU WAXAY TIBAAYAN,HURDADAD KU ARAGTA,

EEDAANKII SUBAXNIMO,INYARUUN HORAANTIIS,

ALALAG IYO MASHXARADI,INTAN OGSADAN KACAY,

UDUB UMAAN MALAYNO,EREYAN MA BOOBSIIN.

3-ALLAHAYNA UUMAAN,ARAGTIDEENA SIMINOO,

QOFKASTABA IN SIIYO,SIDAAS INAY AHAATANA,

XIGMADA WEEYE EEBE,IMAANSADA NASIIBKIIN.

U DUCEEYA ODAYGIYO,URURADAN IDIIN JIRA.

4-AWRTUBA XIDHIIDHKAY,ADINKA ISLA QAADAA,

MEELU AAR FADHIYI JIRAY,ATOORBA DURDURIYE,

WAXA AYNU ARAGNA,WAA ADUUNYO XAALKEED,

AMAANKIINA DHWRTOO,ISKA ILOOBA URURABA.

ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...