Aragtida Horumarka

0
Thursday October 24, 2019 - 21:56:53 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1623
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aragtida Horumarka

    Anigoo magacaygu yahay Deeqa Cabdiraxmaan Ismaciil ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Anigoo magacaygu yahay Deeqa Cabdiraxmaan Ismaciil ,

waxaan halkan ka salmayaa dhamaan shabakadaha warbaahinta ee caalamiga ah ee ka soo baxa jamhuuriyada Somaliland salan ka dib hadii an u soo daadago   duluca  ama nuxurka mawduucayga ayaa waxa uu yahay aragtida horumarka, haddaba Horumarku waa isbadal ka yimaada dadka oo caddaynaya ujeeddo in hore loo socday, sidaad ka dhugan kartaan macnaheeda Somali ee ka kooban (hor) (mar) taas oo lugu tilmaami karo, luguna sheegi karo Horu-mar, horumarkan oo ay ka dhalanayso dhaq dhaqaaq ka duwan halkaad hore u joogtay.

Hadaba mawduucan oo aan lugu soo koobi Karin in laga qor maqaal, ama lugu qor buug  ayaa waxaan  ku soo koobi doonaa haduu ilahay ii ogolaado , inaan ka qoro dhawrkan eray.  

waxaan halkan ku soo bandhigi doona waxyaabaha keena horumarka ee wakhti xaadirkan looga baahan yahay bani,aadamka doonaya inuu isbadal ama horumar ku sameeyo naftiisa, bulshadiisa iyo wadankiisaba, iyada oo ay waajib tahay kuna qasban tahay qofka hormoodka ka noqonaya isbadalka ama horumarka bulshada inuu ka bilaabo naftiisa, anniga oo soo daliishanaya aayada quraanka ee odhonaysa

﴿إِنَّ اللّهَ لاَ يُغَيِّرُ مَا بِقَوْمٍ حَتَّى يُغَيِّرُواْ مَا بِأَنْفُسِهِمْ﴾

 Aayadan oo macnaheedu yahay (ilaahay qomna ma badalo ilaa ay naftooda ka bilaabaan), taas oo laynaga rabo inaan ujeeddadeena ugu weyn ka dhigano sidaan nafteena ku horumarin lahayn, wana kuwan waxyaabaha keena horumarka;-

1.    Akhlaaq: kalmada akhlaaq oo ugu muhiimsan waxyaabaha qofka lagaga daydo ee mudan in lugu xasuusto oo markasta laga hadlo sidii loo dhisi lahaa akhlaaqda qofka la rabo in la soo saaro oo bulshada la hor keeno, siduu inoo caddeeyay rasuulku csw (in loo soo diray inuu akhlaaqada dhamaystiro)

انما بعث لوتمم مكارم الأخلاق

taas oo aan ka qaadanayno in qofka marka la rabo in la dhiso lana soo saaro akhlaaqdu ugu muhiimsan tahay.

2.    Qiimaha uu qofku leeyahay: marka qofka la tuso awoodiisa isla markaana loo cadeeyo qiimaha uu leeyahay waxaay wax weyn ka qaadanaysaa horumarka, taas oo keenaysa inuu muujiyo aragtidiisa horumarineed ee ku waajahan bulshada uu la nool yahay.

3.    Fikir dhisan: in qofka laga dhiso maskax  ahaan waxaay jid u tahay ujeeddooyinka nolosha uu ku horumarin karo, taas oo ka bilaabanta cilmi baadhista uu qofku ku horumarin karo naftiisa.

Haddaba guntii iyo gabo gabadii waxaan ku bogaadinayaa bulsho weynta somaliyeed meel kasta oo ay joogto in ay isku dayaan inaay naftooda horumar ku sameeyaan isla markaana ay ka faa,iidaystaan waxyaabaha ay ku horumareen bulshooyinka caalamka ee kala duwan.

 

 

Qore :  Deeqa Cabdiraxmaan Ismaciil ( Deeqsan )

Email : [email protected]

Hargeisa   – Somaliland


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...