Tukihii Cadaa Iyo Xuunshaddii Madoobayd ( Abdi-shotaly).

0
Thursday October 24, 2019 - 21:54:53 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1519
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tukihii Cadaa Iyo Xuunshaddii Madoobayd ( Abdi-shotaly).

    Kuma taranee ha ku talo gelin, Talo maalin bay ahayd, waa tii la garan waayey,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kuma taranee ha ku talo gelin, Talo maalin bay ahayd, waa tii la garan waayey,
Nin baa shir ka hadlay beri oo yidhi " Wax baan ogahay" Markaas baa la waydiiyey, oo lagu yidhi maaxaad og-tahay sheekhaw? Bal hadda aanu ku dhegaysano'e, noo dhaqaaji waxa laguu nuuriyey, wuxu ugu jawaabay, anigu idiin sii sheegi-maayo'e, ee cadceedda oo duhur ah, hadhku gondaha joogo, oo ay tahay siddii Qu'raanku sheegay " Yaa Mac-sharal-jini wal Insi" oo aad soo wadda taagan yihiin, markhaatina ka tihiin, cid hadhay jirin, baad si cad u arki doontaan waxa lay tusay, buu hadalkii ku soo xidhay. ujeedo iyo haatan, anna waxa uu hadal-kaygu yahay, haddii aad qadanay-saan iyo hadii kale-ba, mar haddii kuwii dabadda-ka soo shuqa-shuqayn jirey askariga, ay duhur cidhibta kaga dhufteen kulmiye, sidda Ramaax oo ah kuwii lagu ilaalin jirey Meesha iyo Cali gurey, Cali mareexaan, Cadaani, jaamac shabeel iyo qaar kaloo badan oo imika askariga uun mooyee, aan wax kale ka hadlin, laakiin-se uu yahay, kii loogu maah-maahay " dameertu geela ha iga didisee, weliba way ii sii qururuf leedahay" kaas oo markuu afka furto-ba dhaliila, waxan isna leeyahay, Waa ka la yidhaaho Maxamuud Beenaale ( Maxamuud xaashi waa ka aad ku sheeg-taane), tuugga illaahay ka go'ay ee dalka xaraashay, ee ka dambeeyey Dumistii Magaaladdii " Dogoble", ee taladiisa cagaf-cagafta lagu geliyey Masaajidaddii iyo malcaamaddii, ee ummaddii degeneyd Debed la wadhay, xataa baraagii laga cabaayey ka aasay, inkaar-taasi ma dhixi doonto, ee goor ay ku dhacda-ba way sugaysaa, waana ay soo kuududin bi'idn laahi kariim. 

 

Nin-ba Tacabkii talooy kaa maal, ka ku tashaday xumo, tamar is bidoo, ku talaabsaday, muxuu wakhti tolay, sidda toojadda, tulud geeloo, tebtey llmihii , olol taagteed, tahan qaylisay, cidlaad tubantee, Kulmiyaw tasho, dadkii kaa tage, adays turqayoo, is tafaafulay, inan kuu tudho, hayga tuugine, tuugyey ka furfuro. Ummad yahay, murti uu inooga tegay Cigaal Shidaad baa waxay ahayd " Saadam-baad garan" waxay ina faraysaa, in aanan wax uun ku dhaqaaqine, aad iska fiirsato, iskana hubsato, inta aanad ku kicin ama aanad falin, wuxu Cigaal Shidaad ka dardaar-maayey, qofku in uu qoomamayn doono, wax yaabaha laga kari la'yahay, ee la leeyahay ka joog, wuxu ganafka sare u taago-ba, oo uu is diid-siiyo wax cadaan ahba, aakhirka way hor timaadaa, iyadda oo aan la loodin karayn, ka dibna markaas buu indhaha kolba meel ku fiiqaa isaga oo itaal daran, oo ay anfaci waayeen madax-taaggii iyo qafal-xumiddii uu nafta moodaayeey, maalmihii ay maqaaxidu u shidnayd.  dhibaataddii laga hor joogay markay soo wajahdo, buu xaar ka wadhaa iyo tolaay sidda askarigan wajaqan  ee " Raggii ma adigaa ka hadhay", Waayo'arag-nimadda iyo garashadu akhristaw, waa wax la is dheer-yahaye, ninka ay tuumbo malab ahi meel ugu jirtaana kuma qanco, illaa ay bishu hortiisa timaado'e, ganafka baa lagaga dhuftay, isku soo duuboo reer-kani mid guuraaya maaha, waxa-na naafeeyey Askarigan, isaga oo markii hore-ba fadhiid-nimo u dhashay. Waxa la yidhi. Reerka Illaah duminaayo looma jid bixiyo, oo waxa lagu salidaa daalimiin iyo dad xun hor boodda ( sidda kuwan hadda jooga). tii baa maanta taagan, oo kuwa meesha ku xoog-sadaa waa kuwii inoo keenay " Qoomal-Luudka" Ee habal-heennii yaryaraa yidhi " is dhunkadda" Makaa ma kuwaas baa hadh idiin jiidaaya?

 

  Ciyawggii habeen dhawaaqay, wuxuu ka cawduu dareemay, cawaysinka haadka duulay, cadaawihi buu ogaaday, kulmiye wuu soo gabaga-boobay, wuxuna noqday ri'ddii mudo ay sugayeen, caruur dhawr ahi in loo liso marka ay dhasho, ee ay dhiil weyn u sii cusheen, ee iyaddii dib isu jaqaday, caanihii iska dhamaysay cid maashaa ha joogtee, Waxan uga jeedaa, askariga Kulmiyaw " Illaah baa guntiga kuugu xidhay, maydhax gumareede, geedkii ad goysaaba waa, gawlaliyo jiice" Maxaanu kuu qaban karnaa, haddii aad noqoteen adiga iyo Ina Kaahin " Tukihii cadaa iyo Xuunshaddii madoobayd", ee uu mid-koona dhex geli kari waayey noociisii, haddii ummaddii aragiina daayo, maqal-kiinii dhegaha laga furaystay, waa midh subxaana-laah "Nabsaa ku haya, hagardaamo gacal, hadimadii-siiye, Aduun baa hayeydda u guntane, heeryo lagu saarye". la hubsay oo gorayo haad noqotaye, saw ma tihid ninkii seexday ee soo toosay, ma wax baa iska kaa bedelay? Adoo taariikh-daadda og, weligaa cidla iyo meel aan loo jeedin baad ka botorisaa, oo adaa laamaha isku soo jebi-saa, aan kuu dhawayn inta aad doonto, Waxa ay Reer Somaliland ku leeyihiin, wax-ba shaadh kale ha noo soo gashan, cid aad maanta wax u sheegayso baa iskaba yare. Arinta hadaba aan u soo qaatay akhristaw xaajadan sare ku taal, waxa weeye, ummadu waxay siisay Kulmiye mudo shan sano ah, oo ay ku tidhi bal hadda aan kugu eegno ee hogaanka qabo ( waa doorashaddii Siilaanyo ku soo baxaye), iyaka oo ku yaqaanay waxa aad tahay Kulmiyaw, imika bay leedahay ummaaddii aad tidhi itijaabiya " Awel-ba anakoo ooyeynay bay riyina nagu sii joog-satay".

 

* N.B Askari Nabsaa Ku Haya, Hagar-daamo Gacal, Hadima-diisiiye"

Qore:- Abdi-shotaly.

   

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...