Abiya Ahmed Nin Yaroo Farafardhaynaya Nabad Aan Jirinna Raadinaya. W/Q: Cabdi Muhumed

0
Thursday March 21, 2019 - 17:24:49 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1525
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abiya Ahmed Nin Yaroo Farafardhaynaya Nabad Aan Jirinna Raadinaya. W/Q: Cabdi Muhumed

    Tan iyo intii uu Xukunka Ethiopia la wareegay Raysal-wasaare Abiy Ahmed waxa uu saaran yahay Line aad u dheeraynaya. Waxaad modaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tan iyo intii uu Xukunka Ethiopia la wareegay Raysal-wasaare Abiy Ahmed waxa uu saaran yahay Line aad u dheeraynaya. Waxaad modaa in uu is leeyahay ku guulayso Billadda Nabadda ee loo yaqaano Nobel Peace Price, isagaoo aad heegan ugu ah inuu nabad ka dhex dhaliyo qolooyin badan oo colaaadi dhex taalo sida: South Sudan dhexdeeda, Kenya iyo Somalia, Dalkiisa Ethiopia iyo Eritrea, Djibouti iyo Eritrea iyo dabacan Somaliland iyo Somalia oo aan maqaalkaygan diirada ku saari doono.


Waxa jiray maqaal aad u xiiso badnaa runna ahaa oo uu qoray Qoraaga caanka ah ee Cumar Maxamed Hoorri oo uu ku tilmaamay Abiyi Ahmed nin yar oo aad u dheeraynaya. Aniguna waan ku raacay fikirkiisa, isla judhiiba waxaa soo baxay calaamado badan io arinkaa rumaynaya.



Heshiisiin ka dhex dhacda Somaliland iyo Somalia waxay u baahantahay fahan dheer ka hor inta aanuu iska durdurin Abiyi Ahmed. Waxa uu dhawaan isku dayay inuu isasoo hor fadhiisiyo Biixi-ga Somaliland iyo Farmaajo taasi oo u aakhirkii dhabar jabiyay Cadawga koowaad ee Somaliland, IsmaaciilCumar Geellaha Djibouti kaasi oo faray inaanu Farmaajo ka qayb galin kulankaasi iyadoo uu u arko inuu lib uu isagu waa Ismaaciil Cumar Geellee uu leeyahay uu maroorsanayo ninka Abiya Ahmed.


Waana sababta keentay in uu kulankaa ku koobnaado Muuse Biixi iyo Abiya Ahmed kadib markii uu dib ugu laabatay Farmaajo Muqdisho kuna wacad furay kulankaa saddex geesoodka noqon lahaa Somaliland, Somalia iyo Ethiopia oo gogosha lahayd.


Hadiiba uu kulanku dhici lahaa waxaan qabaa in aanay wax dan ahiba ugu jirin Somaliland. Waayo falsafadda Abiyi Ahmed waxay ahayd in Somnaliland oo Maamul ahi hor fadhiisato Somalia iyadoo taasi aanay ahayn mid wax badan soo kordhin karta nabadna dhex dhigi karta Somalia iyo Somaliland, waayo halka uu ka soo bilaabmay khilaafka Somalia iyo Somaliland wax fikrad aha kama haysto Abiya Ahmed oo ah Raysal Waasre ka yimaada Quruunta Oromadda Ethiopia markii ugu horaysay taariikhda Dalkaasi, oo si doodaba ah dad aan saaxiib u ahyn fikir siyaasaded oo fog.


Hadii uu rabo Abiyi in uu ku guulaysto billada Nobel Peace Price ka, isagoo ku qaadanaya heshiisiin uu guud ahaan mandaqada Geeska Afrika ah. Haka soo bilaabo arinka Somaliland iyo Somaliya. Tariikdoodaba aad ha u akhriyo oo ka bilaabmaysa 59 sanno ka hor waa 1960 kii iyo israacii aan xikmada iyo wax wada lahaanshiyaha ku dhisnayn ee ay qaybtii taliyaanigu xukumayay ku maroorsadeen wax kasta oo lawada lahaa.


Hadaba sidee Somaliland iyo Somaliya loo heshiisiin karaa ee uu raysal wasaaraha Ethiopia taa ugu guulaysan karaa?


Aniga ra’yigayga Somaliland ha u aqoonsado dal madax banaan oo waliba haka hawl galo sidii somaliland xubin uga noqon lahayd ururka midowga Afrika ee xaruntiisu tahay Addis Ababa. Cilaaqaadka Ethiopia ay la leedahay Somalilandna aanu la mid noqon kuwa ay Puntland iyo Jubaland la leeyihiin Ethiopia.


Taasi waxay wax badan ka taraysaa Nabad lagu soo dabaalo Somalia, maxaa yeelay Somaliland wax wayn ayay ka gaysan lahayd arinkaa oo aduunkan ku wareeray ayay kala shaqayn lahayd. Nabad waarta oo Somaliya laga helaana waxay ila tahay waa udan Geeska afrika, afrika oo dhan iyo guud ahaan caalamka kaba.


Haaddii kale waxa ay noqonaysaa inuu ku soo gabagaboobo Abiya Ahmed mid Xiiqsan oo la huleela gacmo madhan iyadoo dadka reer Somaliland dhawaaq dheer ku leeyihiin waxaanu nahay dal madax banana sida dalkaaga Ethiopia oo kale ee garwaaqso xaqiiqadda hortaada taala ama ku soo oodan siduu uu kugu tilmaamay qoraaga haybadle ee Cumar Maxamed Hoorri Abiya Ahmed nin yaroo dagdagaya aan intaa ku ladho Maahmah wayn oo Soomaaliyeed oo tidhaahda haddii Dagdagsiiyo door dhalaan kaadsiiyana kiish lacagay dhalaan.


Abiya Ahmedow nabad dhex marta Somaliland iyo Somalia waxa sal u ah adduunka oo Aqoonsada Somaliland inta taasi laalan tahay Somalia iyo Somaliland oo nabadi dhex martaa waa Calaacal timo ka soo baxeen ee taa ku biyo cab Mr dagdagow.

W/Q: Cabdi Muhumed

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...