Qormo Yar Oo Ku Sahabsan Qaadka Baryahan Ka Joogsaday Hargaysa Iyodareenka Shacabka

0
Thursday October 24, 2019 - 21:44:12 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1450
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qormo Yar Oo Ku Sahabsan Qaadka Baryahan Ka Joogsaday Hargaysa Iyodareenka Shacabka

    Qormo yar oo ku sahabsan qaadka baryahan ka joogsaday hargaysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qormo yar oo ku sahabsan qaadka baryahan ka joogsaday hargaysa
iyo dareenka shacabka.

Sidaad ogtihiin,maankana ku haysaan,waxa baryahan dhow hakad gallay qaadkii kasoo qulquli jiray gudaha ethiopia.


Kadib markii ay rabshado oromadu ka kowyihiin ku kaceen, taas oo hakad galisay qaadka.saaamaynsayna gaar ahaan somaliland siiba hargaysa.


Haddaba waxaan u yara koor gallay raadadka uu ku yeeshay bulshada, deedna waxaan socod yar ku tagay dhowr goobood oo saldhig u ah xurumaha uu kasoo dago taas oo loo yiqaan kolayada.

Xurumahaas oo la buuxbuuxo dadkuna taag taaganyihiin ayaan waraystay,dadkii midba fikir ama idea gooniya ayuu u siiyay,badankooguse waxay ka xummaayeen hakad ku yimid.

Qaar ka mida dadkii meesha joogay ayaa yidhi waar maantanba xasuustay dadkii mid kalana wuxuu yidhi waar dadku qur qurux badanaa,mid kaloo xagaa joogaa yidhi waar miyirkiiba nogu soo noqdee ileen sidii wax waalan meeluun ku xidhnayn.markaasaan xasuustay maansadii hadraawi ee ahays uubaad ku jirtaan qarsoonee kasoo baxa iilka qaadka.

Mid kaloo dufaacayaa yidhi waar bahalkani dadkuu kala wadaayee bal magaaladdan isku muuqmuuqatuun fiiri?! Mid kallaaba yidhi waar haddii bahalkan la waayo dadkaa isku mashquuli lahayee .

Isku soo duubo waxaan ogaaday bahalkan qadku inuuu yahay ballaayo dadka lagu imtixaanay si dhayalana loo joojin karin.

Dhawaan wasaaradda caafimaadku waxay soo saartay in saddexdii qof ee reer somaliland qofi uu hayo xannuunka dhamirku tan wax kalle maahee waa qaadkan bulshadu ku waalatay adagtahay si loo joojiyo
Maqaalka maanta
Hamse riiraash

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...