Is Barkanaanta Anshaxa iyo Masiibooyinka. Q/3aad. Qalinkii: Axmad Cali Kaahin

0
Wednesday October 23, 2019 - 14:51:14 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1327
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Is Barkanaanta Anshaxa iyo Masiibooyinka. Q/3aad. Qalinkii: Axmad Cali Kaahin

    Taariikhdu may saamixin marna umadi'hii hore ee Anshaxa xumaa kuna gafay dadnimada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taariikhdu may saamixin marna umadi'hii hore ee Anshaxa xumaa kuna gafay dadnimada iyo sharciyada Rabbi Subxaanah jideeyay. hore iyo dambaysaba

 

Sida ku cad qisaska  Quraanka iyo Sunaha iyo dhamaan kutubtii Samaawiga ahayd abaal marinta ay heleen Umadahaasi. Waxay ahayd feedho celin iyo ciqaab anshaxoodu usoo jiiday.

 

Dadkii reer Madyan ee qoom kii Nabi shucayb. Waxay kufsadeen  miisaanka iyo miiska. Markii hab-dhaqan kaa ka waantoobi waayeen, dhago adaygna ka dhigteen shaqo, iyo anshax xumaanta.

 

Dhamaan dhambaaladii Rabbina Subxaanah. dhagaha ka furayasteen. Waxa u bilaamay bog cusub, oo dhamaan dadkii wadadaa xun maray afka u dhacaan.

 

Waxay galeen xaaladii ay ku sugnaatay, in baadil kooda la joojiyo loona ciqaabo an shaxooda xun. Taasi oo ah balan Rabbi (Subxaanah) u dhigay dhib wadayaasha Anshaxa iyo adaabta baal mara.

 

Heerka abaalmarinta in bulshadu  in la ciqaabo gaadho waa halis ka xoog badan wax yaabaha loo yaqaan masiibooyinka dunida. Sida Abaaraha. Duufaanada ama gaajada. Dagaalada iyaga laf toodun waa ciqaab. Loo yaqaan in la dabar jaro, balse anshaxa saamayntiisu door wayn bay ku leedahay kuwaasi sida gaalada u waajahno.

 

Haddaan Anshax doorsoonka dhib u loo arkin, iyadaaba dhibaato ugu filan ummadaasi. d waana taa masiibadu maadaama Wanaag farista iyo Xumaan reebidu tahay halku dhiga koobaad ee xidhiidhka bulshada meel kuwada nool.

 

Taa haddii la waayo cid u kacda oo lana wada fadhisto sida hadda loo badan yahay. Ogow bulshadaasi daawahay saaran tahaye. Haddaan xagga Rabbi (Subxaanah). Loo noqon.

 

In bulsho la halaago ama silic nololeed iyo mid maskaxeed, daganaasho la'aani haleesho oo holac iyo rafaad dareento sababtu waxa jira waajibaad la dayacay,  dhalaalka aduunyadu haba ceegaago bulshadaa dhexdeeda.

 

Waxa jira Xeer bulshada wadda qabta iyo waajibaad qof kasta u gaara. Xeerarka bulshada wadda qabtaa ma yaqaanaan hebal waa Caabid iyo Saalix. meel baa koobka Abaal marinta dhamaan looga wadda darraa.

 

Halka waajibaad ka u gaar ka ah ruuxa yihiin badbaado gaara ama galooc ku kooban qof kaa Marka la joogo aakhiro haddii Camal kiisu wanaagsanaa iyo haddii kale.

 

Balse anshax doorsoon ku waa aafo iyo miino mar lawada kacda bulshada. Keeda toosan iyo ka kale ee toosinta u baahan.

 

Taasi oo qur’xoonaanta iyo fool xummada Anshaxa ee bulsho leedahay, saameeyo dhamaan dhibaatooyinka Aduunyo iyo Aakhiro. Taasi oo wadda noolaantu keenayso saammayn wanaagsan ama la eedo laga dhaxlo.

 

Wadda noolaanta bulshadu wax badan bay saamaysaa Sida bulshadaasi Akhlaaq ahaan u eeg tahay. Iyadoon la eegayn dhismayaasha quruxdooda balse quruxda Anshaxa.

 

Ummado badan oo quraanku xusay dhamaan waxay ka siman yihiin ku xad gudubka anshaxa iyo jabinta xeerar keeda, Ku waasi oo Diinta iyo dad nimaduba xaaraan tinimeeyeen.

 

Haddaad u fiirsato qaar waxa lagu rogay, markii ay dhalan rogeen xidhiidh ka jinsiga sida loo guto. Halka qaar Miisaanka iyo macaamilka ganacsi xad gudub xatooyo ku sameeyeen.     Hunguriguna hoday, kar kaarna  way daariyay iyo jacaylka Maalka oo waddo xun loo maro. Bulshadana lagu dhaawaco. waa mid kamida dubayaasha bulsho lagu halaago. Haddii ganacsigu fashaado.

 

In sharciga Rabbi lagga dhago adaygaa, waa masiibooyinka aa’baheed. Bulshadu faqri way ku noolaan kartaa balse in anshaxa iyo Akhlaaqdu dhaawac gaadho waa ifafaale waji Xun.

 

Haddaan la gudan waajibaadkii wacyi galinta iyo barbaarinta wacan ee jiilka dahabka ah ee ummad kastoo islaama ama qiyam leh. guul kasta oo bulsho gaadho waa toosnaanta iyo anshax wanaaga jiilkooda.

 

Jiil xun Ama koox xumaan isku kaashaday  baa umad dhan roggay, oo hoog iyo halaag u bandhigay. Sidii  qoomkii la halaagay ee reer Saalax. Sagaal Shar waddayaal ah. Ee Hashii  dilay. Allaaah waxa uu ku tilmaamay (Magaalada waxa joogay koox sagaala oo  kharibay dhulka oon wanaag jinan dhulka.) Dhalin taa baa la eeday Anshaxa xun iyo cidii la mida.

 

Gabogabadii haddaad u fiirsato Nabi Nuux (Salaani dushiisa ha ahaatee.) Dagaal adag wuxuu u galay sidii Rumaynta Rabbi Subxaanah dhidibada loogu taagi lahaa baadilkii Cusbaa ee Awliyo Caabudka ah ee waagaas si  loo suuliyo. Ee dadkaasi kuwoodii fiicnaa, taalooyin lagu halaagmay u taageen. Mudo ka dibna cibaado loola qasdiyay. Waana halka Sanam ku ka soo jeedo. Ciqabkii dunida camimay ee cirka iyo dhulka biyo is qabsadeen.

 

Halka kuwii anshax xumaha ku caan baxay ee caadaystay cawda  loo jaray. Kuwana dhulka lala Jaray. Qaarna dabaylo, qaylo, daruuro cadaaba waata halkay  moodeen roob biyo badan. iskuna baday abaal Marin anshax xumaan ah.

 

Kuwaasi warkooduna kaliya noqday cibro iyo sheeko laga argagaxo iyo goodi cid kastoo xad gudubta u yaal.  kuwa toosana inay farta laabta ku hahayn iyo cibro qaadasho dadka ka leexda dariiqa toosan.

Bilawgii qarnigan waxa dadka dunidu wadda daawadeen dhacdooyin waaweyn. Kuwaasi oo kalidii taliyaal iyo madax badan si fudud kursiga looga tuuray halka  qaar dahab barkan jiray. Qaab laga naxayna u dhinteen. Halka qaar jeelasha lagu ilaabay ama dibad wareegi ahaa kuraastii ku fadhiisteen. Waa cibro iyaba. Iyo Nooc halaaga kamida.

 

Haddaan gurmad anshaxeed iyo mid adaabta xeerarka bulshada dhawraya la baran oon lagu dhaqmin kama wanasgsanin umadahaasi. Halaaguna maaha kii hore ee waa in bulshadu ku noolaato caabudida aduunyada iyo hawada oo halis if iyo aakhiraba leh. Taa cadaab ka culus oo dunidan yaalaana ma jiro iyo Shaydaan ka oo kugu adeegta.

 

Anshax Xumadu waa cadawgaaga oo ku adeegsada waxaana ugu xun. Markaad bulshadaada uu kugu jiheeyo. Akhlaaq ahaan iyo macaamilka khiyaamada iyo sad bursiga ah.

Qalinkii: Axmed Cali Kaahin

[email protected]

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...