Waa Yaab ! Waa Qalinkii; Baxnaan X Aden Diiriye

0
Wednesday October 23, 2019 - 14:35:04 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1409
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Yaab ! Waa Qalinkii; Baxnaan X Aden Diiriye

    Dhaqane iyo dhaashane dhalin weeye magaallo.dhaqankoodu mid maaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhaqane iyo dhaashane dhalin weeye magaallo.dhaqankoodu mid maaha
.Dhaliil la iskama qaato .DHafoor taabasho weeye .Dhibtana la iskuma eego.daily way kaftamaan . Hadana la isma dhegaysto.Dhoohanaad tahay waalan iyo adaa dhoocil ka liita warkoodaa ku dhamaadee .Kaalayoo bal dhegeyso

Dhaqane; Waa Yaab!

Dhaashane;Maxaa yaaba?intii baanu kaa nasanee.

Dhaqane; Dee waxa yaaba ,hadaanu ninkani doorasho doonayn ,xisbiyadani maxay rabaan? May aayar iska fadhiistaan?sanad iyo badh bay lahayeen :waar komissionka  sagaal inoo dhig isna wuxuu la yaabanaa siday iyagoo isku raasa labada u heleen. Tiisii bay noqotay imikana nimankii dhamaa ee dadku inay muse la xisaabtamaan ka sugayey waxay kaga dhegtay labadaa naga soo bedel.

Dhaashane:Adeer nimanku waa masuuliin qaran.wax badan bay xeerinayaan.

Dhaqane;Dee may Hussein caydiid iyo Ramaax u diraan kuwaasaa af yaqaane.

Dhaashane;Hussein caydiid iyo Ramaax sow masuuliin xisbi maaha.?

Dhaqane; OO ma riyo raac hadaa masuul masaajid ah sow isba masuul xisbi maaha?

Dhaashane:Adeer dalka ha  naga waalin.

Dhaqane;Dalka maanaa waalaya ?mise ninka gebigiisuba (Somaliland la wada leeyahay) ka xanaaqa ayaa waalaya.

Dhaashane;Xisbiyadu maxay samayn laayeen hadaan wixii ay saluugaan si sharciya u marin ?miyey dagaalami laayeey?

Dhaqane;Waar dagaal lahaane ,madaxweynihii dhamaa ee Masar hal kelmad baa riday oo la yidhaa(IRXAL). May (Somaliland la wada leeyahay) uun gidaar walba ku qoraan isgaa iska tegi laaye.

Dhaashane; Hada ma xisbiyadii aanu is lahayn wuxuu kula talaniyaa dulqaadka badiya ayaad leeday doorashadaba iska daayaa.

Dhaqane;waar kuwan an arka doorashana dayn maayaane .waxa la yidhi;

Beri baa nin reer miyi ah ayaa wuxu qabay islaan qaylo badan.in badan buu iskaga dul qaadan jiray.maalintii dambe ayaa show dulqaadki ka dhamaadoo budh buu dabada u qabtay .Islaantiiba iyadoo ooyeysa ka baxday.odaygi wax yar ka dib ,markii cadhadi ka ba`day ayuu ogaaday inuu islaantiisii u baahanyey uu ku qaldamay markaasuu intuu kor hadlay yidhi;Waar maantaan bad  galnee ,sheekh Abdilqaadirow islaantaydii ii soo celi.show islaantu meel fogba may tegine halkan luuqay ku jirtay oo waxay aheyd islaamihii hore dudmada ceebta u yaqaanay  intay aayar daf soo tidhi gurigii kulahaa ;sheekh Abdilqaairow riixida iga daa anaa gurigayga iska geliye.

Waa Qalinkii; Baxnaan X Aden Diiriye

                      sweden


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...