Qoys sanado ku noolaa meel qarsoodi ah oo dhulka ka hooseeysa iyagoo ka cabsanaya qiyaamaha
guri beer ah oo ku yaalla dhul baadiye ah oo ka tirsan dalkaas iyagoo halkaas ku jiray muddo sanado ah iyagoo sugaya sida laga soo wariyey iyaga waxay sugayeen inta khiyaamuhu dhacayo.
Booliiska ayaa helay nin la rumeysan yahay in uu yahay Aabaha qoyska iyo carruur da’doodu u dhaxeyso 18 jir ilaa 25 jir xaafad ku taalla Woqoyiga Holland.
Saxaafadda ayaa sheegtay in qoyska la helay ka dib markii mid ka mid ah uu aaday maqaayad halkaas u dhow isagoo aad u jahawareersan , qofkaasi ayaa cabay shan dhalo oo khamri ah wuxuuna ka dib weydiistay in la caawiyo usagoo sheegay in muddo sagaal sano ah aanu dibedda u soo bixin
Booliiska ayaa xiray nin 58 jir ah oo diiday in uu baarista gacan ka geysto laakin ninkaas ma aheyn Aabaha qoyska.
" arrintan oo kale weligey lama kulmin " ayuu yiri duqa magaalada Groot
Booliiska ayaa arrintaas baaray ka dib markii ay heleen warar hoose oo laga helay qof ka walaacsanaa xaalada ay ku noolaayeen dadkaas ana helay dadkii qaangaarka ahaa.
"Waxay ku jireen nolol go’doon ah dhulka hoostiisa ayeyna ku jireen waana arrin weli lala yaaban yahay