Faaqidaada Madaxwaynayaasha !!!!!!. Axmed-Sakatuuri Aadam Cadhood
Saxafi Madax Banaan Qoraa Ahna Murashaxa Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland
Hargeisa Somaliland Republic.
Madaxwayne Muuse Biixi :- Wadanka Jabuuti Waa Walaalkayaga Koowaad
Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geele Waa Madaxwaynaha Ugu Qiimaha Badan
Qaaradda Afrika Wuxuu Somaliland La Jecel Yahay Horumar Iyo Aqoonsi.
Shacabwaynaha Somaliland :- Jabuuti Waa Cadoowga Koowaad Ee
Somaliland Leedahay Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geele Iyo Madaxwaynihii
Hore Ee Ka Horeeyey Labadooduba Waa Cadoowgeena Koowaad Waxayna Nagaga
Xun Yihiin Wadanka Soomaaliya Ee Aanu Kula Midoownay Wadankayagii
Xoriyadda Qaatay 26 June 1960.
Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geele :- Wadankeena Jabuuti Wuxuu Ka
Faaidaystay Dagaaladdii Dhexmaray Eriteriya Iyo Itoobiya Labaatankii
Sano Ee U Dambeeyey Jabuuti Waxay Gaadhay Horumar Aad U Balaadhan Oo
Waxaa Ganacsigoodii Inoola Soo Wareegay 100% Wadanka Itoobiya Oo Aan
Xeeb Ama Bad Lahayn !!!!, Jabuuti Wadan Jira Noqon Mayso Haddii Aanay
Albaabkasta Ka Soo Xidhin Somaliland Oo Caalamka Ka Sugaysa Aqoonsi
Caalamiya !!!!!.
Madaxwayne Alpha Conde :- AlXamdulillaah Waa Allaah Mahadii Mar Haddii Uu Wadankeena Gini Conakry Inoogu Yimi
Madaxwaynaha Somaliland Oo Caalamka Muddo 28 Sano Aqoonsi Ka
Sugayeen Wadamadda Afrika, Yurub, Carabta, Laatiin Ameerika Iyo Wadanka
Maraykanka !!!!, Somaliland Aqoonsi Buuxa Wakhti Hore Ayay Heli
Lahaayeenee Waxaa Ku Dhegan Wadankii Soomaaliya Ee Ay Midoobeen Oo Aan
Laga War Hayn Goorta Wadankaasi Xoroobi Doono Oo Soomaaliya Oo Xor Ah Ay
Wada Hadlaan Somaliland Oo 28 Sano Dawlad Ahayd Caalamkana Ka Sugaysay
Aqoonsi Caalamiya Balse Diidmada Soomaaliya Diidayso Inay Aqoonsato
Wadankii Ay Midoobeen Waxaa Ka Dambeeya Wadamo U Haysta In Allaah(Swt)
Riziqooda U Soo Mariyay Webiga Niil Iyo Wadan Dadkiisu Leeg Yihiin
Xaafad Somaliland Ku Taala Oo Tirada Dadkooda Lagu Qiyaaso 300,000 Kun
Sadex Boqol Oo Kun !!!!!.
Madaxwaynaha Gini Oo Hadalkiisa Sii Wata Kkkkkkkkkkkk Wuxuu Yidhi
Isagoo Qoslaya Riyo Haddii Ay Dib Leeyihiin Dabadooda Ayay Ku Qarsan
Lahaayeen Waxaan Idaacadaha Caalamka Ka Maqlayay Wadan Aanaanu Safaarad
Ku Lahayn Yaguna Wadankayaga Safaarad Ku Lahayn Oo Ku Hadaaqaya Wadanka
Gini Xidhiidhkii Ayaanu U Jarnay, Qoladaas Waxaan Odhan Lahaa Markaad Ka
Xoroowdaan Ciidamadda Amisom Ee Amaankiina Sugaya Iyo Ururka Al Shabaab
Ayaynu Wada Hadli Karaynaa Kkkkkkkk.
Madaxwayne Muxammad Farmaajo :- Wadankeenu Dawlad Noqon Maayo Oo Degi
Maayo Sababtoo Ah Dawladdo Badan Ayaa Dhaqaale Iyo Hub Ku Bixinaya
Sidii Soomaaliya Aanay Cagaheeda Isku Taagin Oo Loo Cabiidiyo Itoobiya
Iyo Kenya.
Madaxwayne Muuse Biixi:- Shacabwaynaha Somaliland Waxaan Ugu
Busharaynayaa Madaxwaynaha Aynu Walaalka Nahay Ee Wadanka Gini Inaan
Idiinka Sido Bushaaro Wanaagsan Oo Shirka Midoowga Afrika Uu Hor Dhigi
Doono Qadiyadda Somaliland.
Shacabwaynaha Somaliland :- Waar Qoladan Soomaaliya Ee Xaarku
Dareerayo Ee 5 Km Ciidamadda Amisom Ku ILaaliyaan Maxaa Ina Daba Dhigay
Ee Cadaawada Intan Leeg Ku Kelifay Mise Ismaaciil Cumar Geele Ayaa Ka
Dhex Hadlaya Oo Leh Aniguna Si Hoose Ayaan Ugu Qaylinayaa Somaliland
Idinkuna Qayladiina Kor U Qaada.
Madaxwayne Ismaaciil Cumar:- Muddo Sadex Habeena Maan Seexan Cadhadii
Aan Ka Qaaday Madaxwaynaha Gini Conakry Ee Madaxwayne Muuse Biixi U Soo
Dhoweeyey Sidii Wadan La Aqoonsan Yahay, Waxaan Ku Sigtay Inaan Tv
Jebiyo, In Dhiigkar Igu Dhaco Iyo Inaan Kiniin Badan Oo Hurdada Ah Aan
Liqo Si Aan Todobaad Uga Hurdo Idaacadaha, Tv-yadda Iyo Telefoonada
Naxdinta Leh Ee igu Soo Dhacaya !!!!!!,
Balse Waxaan Nidar Ku Galay Inaan Marka Hore U Yeedho Muuse Biixi Oo
Aan Isku Sawiro, Hadalo Dhalanteed Ahna Aan U Dhiibo Oo Aan Idhaahdo
Aqoonsiga Waxaan Kaaga Soo Dhamaynayaa Madaxwayne Farmaajo, Waa Inaad Ka
Baxdid Marti Qaadka Aad Ugu Balan Qaaday Madaxwaynaha Gini Inuu
Caasimadda Somaliland Yimaado !!!!!!!!!.
Madaxwayne Muxammad Farmaajo:- AlXamdulillaah Allaah(Swt) Ayaa iiga
Caafimaadiyay Sixirkii Uu i Cabsiiyay Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geele,
Markii La ii Doortay Madaxwaynaha Federaalka Soomaaliya Booqashadii
Aan Ku Tegay Jabuuti !!!!!, Sanad Ku Dhowaad Ayaan Maxbuus U Ahaa
Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geele Oo Isagoo Wadan Yar Oo Aneeya
Dadkiisuna Yar Yahay Haddana Caqligiisa Doonaya Sida Caruurta Inuu Kuu
Maamulo Adigoo Madaxwayne Ah Oo Wadan Balaadhan Xukuma !!!!!!!. Madaxwayne Biixi:- Waar Kursigani Kadeed Badanaa Oo Dhib Badanaa
Wadanka Gudihiisana Waxaa iigaga Furmay Mucaarado Tii Ugu Waynayd Oo Ay
Ugu Horeeyaan Masuuliyiintii Xukuumaddii Axmad Siilaanyo,
Taageerayaashii Xisbiga Kulmiye, Masuuliyiinta Golaha Dhexe Ee Xisbiga
Kulmiye, Masuuliyiinta Golaha Fulinta Ee Xisbiga Kulmiye, Labadda Xisbi
Mucaarad Wadani, Ucid, Dugsiyadda Gaarka Loo Leeyahay, Beelaha
Somaliland, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanka, Waxgaradka, Madaxdhaqameedka,
Abwaanada, Saxaafadda Madaxa Banaan, Bahda Qorayaasha, Xildhibaanadda,
Colaadaha Bariga, Colaadaha Galbeedka, Farmaajo Iyo Ismaaciil Cumar
Geele Oo Siyaasadii Arrimaha Dibadda Iga Soo Xidhay, Madaxwaynayaashii
Hore CabdulRaxmaan Tuur Allaah(Swt) Ha U Naxariistee, Cigaal Allaah(Swt)
Ha U Naxariistee, Daahir Rayaale Kaahin, Axmad Siilaanyo Waxay
Lahaayeen Wasiiro Miisaan Leh Oo Wada Socda Oo Aqoon Durugsan Leh, Oo
Go'aan Leh, Oo Af Tahaniin Ah, Ku Dhacna Leh, Rakaab Xumadani Xagee Bay
igaga Timi, Mise Madaxwaynayaashii iiga Horeeyay Ee Aan Kaga Naxsanayay
Ayaa iinkaar igaga Tagay Oo Waxaan U Baahanahay Kuwooda Nool Inaan
idhaahdo i Saamaxa iina Duceeya, Kuwooda Dhintayna Sadaqatul Jaariya U
Bixiyo Insha Allaah, Madaxwaynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelana Biyaha
Falka Ah Ee Uu i Cabsiiyayna Waa Inaan Culimaaudiinka Somaliland
Kuwooda Karaamada Leh idhaahdo Quraan Ha Lay Saaro Si Aan U Caafimaado
Insha Allaah.
La Soco Qaybaha Dambe Oo Aynu Ku Soo Qaadanayno Afarta Mada
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...