Sida Looga faa'iidaysto uun Baa Jaangoysa Nolosheena Dhabta ah.
Qof kasta oo maanta nool in maalin la aasayo oo naftiisu adduunkan ka huleelaysaa waa mid la hubo. Meesha naftaasi degsiimo ka dhiganaysana
lama hubo wanaag iyo kadeed waxa ka sii horreeya. Kaba sii darane, naftu
intay adduunkan ku nooshay waxay leedahay rajooyin ah in nolosha ka
samayso horumar nafeed, dhaqaale, iyo sumcad. Taas liddigeedana unug
kasta oo go'aamiya in naftani soo noolaataana waxa uu ku sii siqayaa in
uu hawlgab noqdo oo shaqadiisii yaraayo(degenerative period).
Naftan waxaa ku xeeran mucjisooyin jaangoynaya cidda ay u uumantahay
iyo sababta ay u uumantahay. Ilbidhiqsi kasta unugyada maskaxda ee wax
dareema, iyo shanta dareeme ee qofku waxay la kulmayaan weelaynta
is-beddelada ka jira deegaankan. Xubinkastaa iskeed bay u
madaxbanaantahay una dhuganaysaa mucjisooyinka kawnkan. Waxaa sida
dawanka qofkasta ka dul sanaadhaya 24-saac oo midiba waayaheeda wadato.
Ilbidhiqsi kastaana waxa uu ku fadhiyaa qiimo aan ka nooli qiyaasi
karin. Haddii ka markaas arlada ka faaruqaya jaanis loo heeli lahaa in
wax laga wayddiiyana waxa uu ku soo gunaanadi lahaa ilbidhiqsi keliya
immika haddaan jaanis helo waxaan beddeli lahaa noloshayda iyo
geeddigan aad aragtaan in aan maanta ku sii jiro.
Sidoo kale, qiimaha ilbidhiqsi kasta waxaa garankara uun qof inta lagu
yidhi xubnahaagii way hawlgabeen, xanuunkaagu rajo malaha, cimrigaaguna
wuu dheeraaday ee maxaa talo ah? Balse, aan haleel iyo awood u lahayn in
uu si qummaatiya uga faa'iidaysto ilbidhiqsi kasta oo sida dawanka ka
dul dananaaya. Waxa uu ciirsi ka dhiganayaa ii duceeya, i saamaxa iyo in
uu maskaxdiisa ku shuqliyo goorta naftiisan lagu qaadi doono ama laga
rafcin doono aduunyadan uu beryo ku soo caano maalay, balse, maanta uu
arkay in ay ugu abaalgudday in uu kaga rawaxo werwer iyo deganaanshiyo
la'aan aanu is hubin.
Ugu danbayn, nafta bani-aadamka ma jaangooyo da'da, deegaanka iyo kolba
badhaadhaha uu ku jiraa, ee waxa jaangooya deganaanshaha naftiisa, ka
faa'iidaysiga qumman ee 24-saac, iyo xusuusta ka dhexaysa unugyada
maskaxdiisa iyo shantiisa dareeme. Tusaale: qof muslinka ah oo
ilbidhiqsi kasta kaga faa'iidaysta hawlahiisa aakhiro iyo
adduunyaba--waxaa hubaala in unugyadiisa maskaxdu si' joogta ah u
helayaan dhambaallo si xidhiidha ula falgelaaya dareemayaashiisa.
Dhambaaladaas naxariista ah oo si' joogta ah oo aan kale go'lahayn uga
soo tifiq leh samaawaatka iyo jihada sare. Waxay horseed u noqonaysaa in
naftiisu maalmo ama saacado ku noolaato badhadhe iyo werwer la'aan.
Tanina waxay sii xoojismaysaa jeeroo ay badato xidhiidhka ka dhexeeya
shanta dareeme iyo habka dareen wadka maskaxda iyo mucjisooyinka
tilmaamaya cidda kawnkan maamulkeeda iyo tasarufkeeda iska leh,
ilbidhiqsi kastana laga nawilo badbaado iyo naxariis taabba gala oo aan
kale go' lahayn.
Sadam Osman Kaabash.
Fekerka aqoonyahanka
Hargeisa, Somaliland.
Degmada: Maxamed Mooge.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...


0 





