Macangeg Maslaxaad Ma Leh Ee Dhirbaaxo Lagu Dhuftuu Yaqaan (Abdi-shotaly) !
Ilayn meel maskaxi awel-ba taalay maahee, oo labadda askari, hor illaahay bay ka taagan yihiin garasho, aqoon, maamul, cadaalad, oo waa kuwii loogu heesi jirey " Hooyadaa nin liitaw haakah Kuma tidhaahee, habaar iyo qamuunyey had iyo jeer la joogtaaye", aan ku soo dhawaado'e, halkii laga sugaayey in ay bedelaan kuwii u shaqayn jirey, oo laba xubnood oo cucub, dhex-dhexaad ah in ay askartu keento, waxay la shir yimaadeen, " wax aanu bedelaynaa ma jiraan" ee kuwii hore baanu dib ugu celinaynaa, kuwaas oo ah kuwii wax la isku qarsan jirey, waayo dan ba ala isku qabaa, oo Iyana waxa u daran hantidda ummadda ee loo xadaayo, askar-tana dan ba augu jirta in loo boobo foodka, siddii hore u dhacday, ee ay kuba yimaadeen Guriga Moorgan ee ula baxeen ( Xaafad-Tooyadda). balkanku wuxu ahaa in dhamaan ay ka shubaan todobadda xubnood-ba, oo dib loo soo doorto, weliba Ururka Ucid iyo Waddani mid-ba Xubin loogu daro. wuxu waa federe aan weliggii daahirin, Sidda doofaarkii la yidhi " In kastuu durdur iyod abaal gallo doofaar abidkii ma daahiro'e". akhristaw doofaarka baaba la qaataye, oo aan weligood biyo is marin. oo kala aqoon xalaal iyo xaaraan, habeen iyo maalin, iiftin iyo madaw, oo waa duulkaa cuqdad iyo naxli uurka dhaamiyeye, yaa ka yeelaaya bedeli-mayn? ee circa ha isku shareerto, bal cidda wax gaar ah ku qabtaa ha weydee.
Wadanka ma jiro wax caadi u shaqeeyaa, meeshii aad taabataaba way buktaa, oo boog malax mililshay ka buuxdo baa ku huursan, Cudurka ugu weyna wuxu yahay askariga jaahilka ah ee siddii naylaha dheg-jeexaha leh ( waa raggii ma adigaa ka hadhaye), qaar uu wasiiro ku sheego, oo lagu soo xulay mid-ba midkuu hoos ka sii xigay ama ka sii wadda liito, sidda ka gudaha ( Geenyo shaaximan) iyo inta ku xeeran ee daba leef-yadda ah. kuwa ay ugu yeedhaan Kommashinka doorashooyinka, kuwaas oo ah qaar aan wax aynu ku tilmaano-ba aan la garanayn dad iyo duunyo mid lagu tiriyo, ku shaqeeya laaluuush, eex iyo yaan xilka la idinka qaadin, doorashaddii dadku galeena, wixii la ogaa ka sameeyey ( wax waa la cunaaye ee basarkii baa kuwan ka halaysan oo waa dugaag hilib la hor dhigay, waa xuunshaddii kudaafadda ku noolayd, ujeedo waxa weeye, waxay yidhaaheen oo dhab ah kuna ceeshaan, oo at quud-sadaan xaaraan nijaas lagu dalacay saw ka durug maaha, wax ka mamnuuc ah baan jirrin, ee waa bulaacad ku nool, calooshoodda uun ka fekera. Marka farta lagu fiiqo ee la yidhaaho, waar ka daaya sidaas, oo ku leh shaqadda waan kaa eryayaa. ilayn waa sabool iyo caadadiiye, tii alle ka teg, Muwaadin markuu sifaha Komishanku sidaa yihiin, sidee baa loogu aaminayaa, masiirka ka soo bixi doona codaynta ummadda,, mar hadaanay dhex ka ahayn, oo aanay ilaahay ka baqayn, oy noqdeen macaan jecel. Waxan ogayn Maxakamadda oo iyana qaadi wayday Musuq-maasaqii ka dhaqay Golaha wakiiladda, guurtidda oo ka badheedhay iyaduna oo dhabarka ku haysa askarta,
* N.B Doqon Dadnimo Ma Leh.
Qore:- Abdi-Shotaly.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





