Ruushka Iyo Turkiga Oo Gaaray Heshiis Ka Dhan Ah Kurdiyiinta
oo looga gol leeyahay in xoogagga kurdiyiinta looga nadiifiyo xuduuda Turiga iyo Suuriya.
Turkiga ayaa bishan bilaabay howgalo ay Kurdiyiinta uga sifeynayaan xuduuda islamarkana ay ku sameynayan aag nabdoon.
Ruushka ayaa saaxib dhaw la ah madaxwaynaha Suuriya Bashar al-Assad waxayna walaac ka muujiyeen faragalinta dalalka shisheeya ee gudaha Suuriya.
Ruushka iyo Turkiga ayaa imika si wadajir ah u sameeyaan howlgal amniga lagu sugayo.
Heshiiska labada dhinac ayaa yimid ka dib markii Mareykanka ay si lama filaan ah ciidamadooda ugala baxeen waqooyiga Suuriya.
Dadka faaqida arrimahan ayaa waxay heshiiska Ruushka iyo Turkiga ku tilmaameen mid muujinaysa galaangalka Ruushka iyo Turkiga ee gobolka.
Turkiga ayaa waxay arrintani uga dhigan tahay in ay gacanta ku sii hayaaan goobihii ay Kurdiyiinta ka saareen.
Maxaa lagu heshiiyay?
Militariga Turkig ayaa waxay gacanta ku dhigeen dhul dhan 120km oo ah inta u dhaxeysa magalooyiinka Ras al-Ceyn ilaa Tal Abyad si loo sameeyo "goob nabdoon " islamarkana dib u dajin loogu sameeyo qaxootiga Suuriyaanka ee Turkiga ku sugan.
Ruushka ayaa waxay Turkiga ka aqbaleen in howlgalka uu sii socdo taasi oo meesha ka saartay halistii ahayd in labada dhinac ay isku dhacaan.
Bayaanka ay labada dhinac soo saareen ayaa lagu sheegay in xoogaga Kurdiyiinta "laga saari doono " magaalooyiinka Manbij iyo Tal Rifat oo labaduba ku yaalla aagga uu howlgalka ka socdo.
Maleeshiyaadka Kurdiyinta ayaan waali ka hadlin heshiiska Ruushak iyo Turkiga.
BBC