Xannibaadda Barxadda Baabuurta ee Tiyaatarka iyo Faasixidda Deyrkii Masjidul-Jaamaca Hargeysa..W/Q Siciid Maxamuud Gahayr

0
Tuesday October 22, 2019 - 18:43:14 in Articles by
  • Visits: 2678
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xannibaadda Barxadda Baabuurta ee Tiyaatarka iyo Faasixidda Deyrkii Masjidul-Jaamaca Hargeysa..W/Q Siciid Maxamuud Gahayr

    Naarnaar9: Gaabiska Golaha Degaanka Hargeysa!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Naarnaar9: Gaabiska Golaha Degaanka Hargeysa!


Dawladda Hoose waxa dhinaca bari ka xiga Tiyaatarka Hargeysa, waxa uu muran ka taagan yahay dhismihii barxadiisa gawaadhida, dhinaca galbeedka wax aka xiga Masjidul Jaamaca Hargeysa.


Saddex waddo oo u dhexeeyay


1. Masjidul jaamica iyo DHH
2. Jid dhexmara DHH iyo
3. Jid u dhexeeyay DHH iyo tiyaatarka ayaa xidhan.


Aroornimo hore oo 2017ka ah ayaan tegay DHH, aniga oo hawl ka lahaa xafiiska Xoghayihii Fulinta DHH Mawliid Keyse Muxumed, ma uu joogin. Waxa hortay xafiiska hor taagnaa Ganacsade Dheereeye: Ninka loo gacan-geliyay kaalintii shidaalka DHH, bixiyaha baatroolka iyo deymiyaha DHH. Waxa la yidhi "Waxa uu joogaa kobta laga shaaho ee Woqooyi ka xigta albaabka qiblada ee DHH”.

Image may contain: car and outdoor

Waa uu soo dhaqaaqay, aniguna waa aan ka daba jaqaafiyay. Xoghaye Mawliid oo halkii fadhiya ayaannu u nimi. Anigu hadal lama gaadhin, waxaa se markiiba garabka qabsaday Dheereeye. Waan maqlayaa tiraabtooda.


Dheereeye ayaa yidhi "Maanta aniga ayaad Xoghaye ii tahay, kaalay oo ila eeg dhibaatadan”. Inta ay ka baxeen irrdida Koonfureed ee DHH, ayay hormareen kaalinta shidaalka DHH, tubta bari ayay qabsadeen. Waxa la istaagay meel u dhexaysa Tiyaatarka, geerashka/xafiiska dhulka DHH iyo kaalinta.


Cabbaar ayay labadoodu eegeen barxadda loogu talogalay baabuur-dhigashada ee Tiyaatarka. Markaas way iga fogaadeen. Way soo laabteen iina soo dhawaadeen. Dheereeye ayaa istaagay meel dhawr tallaabo u jirta kaalinta laga faasaxay, waxa uu yidhi "Ninka waxaas oo dhul ah qaatay, muxuu ka soo doonayaa wajahaddayda. Waa in uu ka durko kaalinta iyo xafiisyada DHH oo uu banneeyo waddo la maro oo noo dhexaysa”.


Waxa uu jid u rabay qol yar, oo kaalintiisa dhinaca Bari kaga yaalla, kaas oo uu maalmahaas u sameeyay albaab qasab ah oo dhinaca bari ah. Dhisme aan hore u lahayn Kadin dhinaca Bari ah ayaa loo sameeyay albaab ka-gaadhsiis ah. Waxa ka muuqda talbiista albaabka cusub la socota iyo midabkii hore. Xoghaye Mawliid Keyse Muxumed wuxuu aroortaas ahaa dhegayste qiime-badan, "haa/maya” midna ma uu odhan. Keliya cabashada ninkan ayuu ka gurayay.


KaddibGaryaqaan Mohamed Geeljireoo imaka ah Guddoomiyaha Macallin Haaruun ayaa yidhi "Haddii ay meeshan bari ka xigta kaalintaadu ay waddo noqoto, waa la eegayaa. Haddii la leeyahay yaan la awdin daaqadaha xafiisyada DHH, dib ayaa looga durki karaa”. Dad ayaa soo xoomay, Xoghaye Mawliid waxa uu u baxay shaqo dibadda ah.


Nin dadkii ka mid ah ayaa Dheereeye u hanjabay, waxa uu ku yidhi "Ma markii aad bilaash ku heshay kaalinta ayaad haysataa ninka hantidaas geliyay tiyaatarka, adigu $1 ma aad gelin dhiska baatroolka’e? Haddii aad buuqa joojin weydo, kaalintaada ayaa la isku qabsan”. Xukuumadda Dhexe iyo DHH waa ay isku daawadeen labada muwaaddin, lama ganaaxin kooda garadaran (Dheereeye iyo Cumar Caydiid). Maalmo kaddib ayay cagaf dhisaysa barxadda Tiyaatarku dumisay qolkii loo sameeyay albaabka cusub ee xannibayay barada gaadiidka ee Tiyaatarka.


Murankaasi waxa uu sababay in gudaha la dhigo Ganacsade Cumar Caydiid Axmed, illaa haddana waa caqabad jirta oo aan maaro laga gaadhin. Walaw ay labaduba hanti dawladeed ahaayeen, waxa isku cakiran laba muwaaddin oo midina albaab aan jirin samaystay, midna uu malaayiin doollar geliyay sarta uu dib-u-dhiska ku sameeyay. Dhismaha barxadda Tiyaatarku waxa ay yarayn lahayd gawaadhida ceeryoonka ah ee la dhigo laamiyada magaalada.


Ganacsade Dheereeye waxa uu saami-wadaag la ahaa, isla markaasna uu dabada ka riixyay Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan iyo Suldaan Cabdiraxmaan oo 2014kii uu Madaxweyne Siilaanyo u saxeexay warqad uu ku siinayo barxadda baabuurta ee Tiyaatarka Hargeysa. Waxa kale oo labadan suldaan qandhiidhada la lahaa lix siyaasi oo caan ah. Dheereeye waxa uu madaxa-dhaqameedka ku lahaa "Aniga ayaa idinka iibsanaya dhulka”. Khilaafkaas waxa lagu dhammeeyay wada-hadal, waanwaan iyo odayayn ay hage ka ahaayeen guddi ganacsato ahi.


Iyada oo barxaddaas ganacsiga ahi xidhan tahay, si loo maareeyaba, waxa dhawaan la wareejiyay deyrkii Mustajaamaca Hargeysa. Ugu yaraan waxa ay ahayd goob ay seexdaan dadka suuq-joogga ahi, laga weyso qaato, laguna sugo salaadda. Shirkad la yidhaahdo CAPITAL Parking ayaa maamusha.

Xitaa waxa ay silsilad iyo quful ku xidhatay bannaanka deyrka Mustajaamaca oo ay joogsan jireen baabuurta u baxaysa New Hargeysa sida Kaah, Buurta ama Bariga Hargeysa oo ah gaadiid tiro badan. Markii la faasaxay bartii ay istaagi jireen gaadiidka dadweynuhu, waxa ay dhex istaagaan waddooyinka iyaga oo abuura samxad iyo cidhiidhi aan loo baahnayn.


Ma barxadda Tiyaatarka in la xalliyo ayay ahayd mise in Masaajidka deyrkiisa iyo dibaddiisaba cid loo gacan-geliyo?

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...