Nuxurka Qodobada Uu Gudoomiye Cirro Sida Culus Ugu Weeraray Muuse Biixi Oo Uu Kalmada Madaxweyne Kala Laabtay
Hargeysa(HWN):-Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa eedaymo culus dusha u saaray madaxweyne Muuse Biixi.
Gudoomiye Cirro oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa soo bandhigay fashilaado dul hoganaya madaxweyne Muuse Biixi iyo xukuumadiisa oo uu ku sifeeyey qaar aan diyaar u ahayn in dalka ay ka dhacdo doorasho.
Gudoomiye Cirro ayaa madaxweyne Muuse Biixi dusha u saaray eedaymo uu si gaar ah uga taabtay qaar wakhtigoodu taagan yahay.
Ugu horayn gudoomiye Cirro oo ka hadlaya mawqifka xisbigiisu ka taagan yahay xubin ka mid ah guddida doorashada oo xisbiga Kulmiye ka tirsanaa ayaa waxa uu yidhi "Xisbiga Waddani Marna Ma Aqbali Doono in Xubin kamida Xisbiga Muuse Ka qayb Noqto Gudida Komishan-ka Ee Cusub"
Sidoo kale gudoomiye Cirro waxa uu madaxweyne Muuse Biixi ku eedeeyey inuu been waxaanu yidhi "Muuse Beenta Wuxuu u yaqaanaa Xariifnimo iyo Guul Siyaasadeed"
Gudoomiye Cirro waxa kale oo uu madaxweyne Muuse ku eedeeyey mushkiladaha dhulka oo uu sheegay inay mar kasta dad danyar ah isku haystaan dhul waxaanu yidhi "Madaxweynaha Mar kasta Waxay dhul iyo Hanti ku Murmayaan Masaakiin Iyo Hooyooyin Danyar ah"ayuu yidhi guddoomiye Cirro.
Jidgooyooyin ayuu gudoomiye Cirro ku eedeeyey madaxweyne Muuse Biixi kuwaas oo uu waliba sheegay in madaxweynuhu caan ku ahaa "Shacabku waxa uu ka dharagsan yahay in Muuse uu jidgooyo u galay mooshinkii sidii uu awalba caanka ku ahaa jidgooyooyinka, jidgooyadaas oo uu ku dhintay mooshinkii baarlamaanka ku socday oo aan gaadhin halkii uu ku socday.”
ka sokow weedhaha xambaarsan eedaymaha adag ee gudoomiye Cirro u jeediyey madaxweyne Muuse Biixi, waxa kale oo xusid mudan inuu afkiisa ka ilaaliyey in Muuse Biixi uu ugu yeedho madaxweyne taas badalkeedana uu markasta adeegsanayey magaca Muuse Biixi oo kaliya.
Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland