Siyaasi Cabdilaahi Darawal Oo Ka Dayriyey Dimuqraadiyadii Somaliland Iyo Xaalada Siyaasadeed Ee Taagan.

0
Tuesday October 22, 2019 - 18:04:55 in News by
  • Visits: 4761
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Cabdilaahi Darawal Oo Ka Dayriyey Dimuqraadiyadii Somaliland Iyo Xaalada Siyaasadeed Ee Taagan.

    Siyaasi Cabdilaahi Darawal Oo Ka Dayriyey Dimuqraadiyadii Somaliland Iyo Xaalada Siyaasadeed Ee Taagan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasi Cabdilaahi Darawal Oo Ka Dayriyey Dimuqraadiyadii Somaliland Iyo Xaalada Siyaasadeed Ee Taagan.


Hargeysa(HWN):-Siyaasi Cabdilaahi Xuseen Iimaan(Darawal) oo ka mid ah siyaasiyiinta miisaanka leh ee somaliland ayaa ka dayriyey xaalada siyaasadeed ee ay haatan wajahayso soomaliland.


Siyaasi Cabdi Darawal oo ka hadlay kulan Hargeysa ka dhacay waxa uu ka dayriyey dimuqraadiyadii somaliland ka jirtay oo uu ku tilmaamay inay haatan marayso meeshii ugu hoosaysay.

Image result for cabdilaahi darawal


Sidoo kale Siyaasi Cabdilaahi Darawal Waxa uu intaas raaciyay inay Beesha Caalamka ee Somaliland taageertaa ay si weyn uga niyad-jabsan yihiin Muranadda taagan ee aan dhamaadka lahayn,waxaana uu ku taliyay in loo istaago sidii waddanka halkan uu joogo looga dhaqaajin lahaa.


" Imika Dumuqraadiyadeenii wey fadhidaa,wey istaagtay. Haddii aynu u haysano uun mooyi marka Codka la dhiibanayo,haddii aynu taas u haysano wey qaldanahay.Dimuqraadiyadu waa Nidaam dhan oo aynu doonayno inay waddanka ku horumarino oo dadku ku kala badbaado oo Nin walba Xoriyadiisa ku helo” ayuu yidhi Cabdilaahi Darawal oo Magaaladda Hargaysa kaga qeyb-galayay Dood lagaga hadlayay Furdaaminta Muranka Saami-qeybsiga.


Dhinaca kalena waxa uu walaac ka muujiyay qabsoomidda Doorashooyinka Dalka waxaana uu yidhi "Golle shaqanayaa ma jiro, golle la dooranayaa ma jiro,Doorasho imanaysaa ma jirto, Afartii Nin ee Komishanka ayaynu ilaa intii isku haysanay” ayuu yidhi Cabdilaahi-Darawal

Loading...
Loading...