Dawlada Soomaaliya Oo Soo Saartay Digniino Ku Saabsan Fatahaado Ku Dhufta Gobolka Hiiraan Iyo Deegaano Kale
Muqdisho(HWN):-Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa digniin ka soo saartay daadad ku soo fataha qaar ka mid ah gobolada dalka.
Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka ayaa lagu soo bandhigay digniinta ay xukuumadu u dirayso dadka ka agdhaw wabiyada, waxaanu warsaxaafadeedkaasi u dhignaa sidan:-
Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya waxay ka walaacsan tahay cabsida isa soo tareysa ee laga qabo fatahaado ka dhaca degmada Baladweyne iyo degaanno kale oo kamid ah dalka.
Daadadka ka dhashay roobab da’ay ayaa dhaliyay barakaca ku dhawaad 12,000 oo qoys.
Barkaca dadka ayaa 8-da October ka bilowday xaafadaha ku hareereysan webiga ee Baladweyne, heerka biyaha wabiga ayaanan saa’id ahayn, hase yeeshee roobab xooggan oo da’aya ayaa laga yaabaa in ay wabiga gaarsiiyaan in uu darbiyada jabsado maalmaha kooban ee soo socda. Biya baxada waxey gaarayaan meelo cusub, dadkuna waxey bilaabeen in ay ka barakacaan guryahooda iyagoo alaabadoodana horay usii qaadanaya una jiheystay meelaha sarsare ee magaalada.
Dadka uu saameeyay barakaca ayaa aad ugu baahan kaalmo bani’aadanimo.
Gobalka Gedo, roobab xoogan ayaa yimid bilooyin kadib markii ay abaaruhu jilciyeen, roobabka waxa ay abuureen daadad ugu sii biiray culeysyadi bani’aadannimo ee horay u sii jiray. Biyabaxyadu waxey saameyn weyn ku yeesheen degmooyinka uu maro wabiga Jubba haba ugu darnaadaan Degmooyinka Baardheere iyo Luuq.
Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka (WG&MM) waxey ugu baaqeysaa dhammaan hey’adaha gargaarka in ay ka jawaabaan xaaladahan soo cusboonaaday ayna taageeraan dadka ilaa iyo hadda ay saameynta ku yeesheen Biya-baxada roobka.
DHAMMAAD