Maxaa Ka Jira In Soomaaliya Badashay Qareenadii U Xilsaarnaa Dacwada Badda Ee U Dhaxaysa Kenya?
Muqdisho(HWN):-Dawlada federaalka ah Soomaaliya ayaa ka hadashay warar la baahiyey oo sheegaya in la badalay qaar ka mid ah qareenadii u doodayey dacwada badda ee u dhaxaysa Kenya.
Safiirka soomaaliya u fadhiya midawga yurub Cali Fiqi oo ka hadlay wararkan la baahiyey ayaa been abuur ku sheegay xogahaasi baxay, waxaanu si gaar ah uga hadlay gabadh ka mid ah qareenada oo la sheegay inay is casishay.
Safiirka midawga yurub ee soomaaliya Cali Fiqi oo ka hadlaya qareenada dacwada bada soomaaliya ayaa waxa uu yidhi "Muna Sharmaan waa gabar Soomaaliyeed oo ka tirsaneyd qareenadii Soomaaliya u doodayey kiiska badda, balse dhowaan ayey soo wacday Madaxweynaha, iyadoo u sheegtay iney shaqo ka heshay Bankiga adduunka, waxayna ka cudurdaaratay ineysan ka sii mid ahaan karin qareenada Somalia u doodaya” ayuu yiri danjire Cali Saciid.
Sidoo kale safiir Cali Fiqi ayaa intaas raaciyey "Qareenada Somalia u doodaya ee kiiska badda lama bedelin waa kuwii hore, marka laga reebo Muna Sharmaan oo iskeed uga tagtay, mana jiraan wararka sheegaya in kuwo cusub la keenay”
Dinaca kale waxa uu sheegay inaanay jirin qareeno cusub ee ay soomaaliya qaadatay "Waxay leeyihiin in lawyarada u dooda Somalia waa kuwo cusub, khibradooda yar tahay ee rakhiis lagu soo xushey. Arrintaas waa BEEN. aLawyaradeeni (Paul Reichler, Prof. Philippe Sands iyo Alain Pellet) waa kuwii weligooda noo doodi jirey ee kuwo cusub ma jiraan. Waana kuwa ugu caansan addunka marka ay timaado arrimaha badda” ayuu yiri danjiraha.