Laabtaad Ka Jeclaatay Laayaan ( Abdi-Shotaly).

0
Tuesday October 22, 2019 - 07:27:46 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2187
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laabtaad Ka Jeclaatay Laayaan ( Abdi-Shotaly).

    Kuwa shaadh aanay lahayn diin soo xidhaay, haday mujaahi-diin sheeg-taan ( waa midh subxaana-laahi iyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kuwa shaadh aanay lahayn diin soo xidhaay, haday mujaahi-diin sheeg-taan ( waa midh subxaana-laahi iyo
Kuwa shaadh aanay lahayn diin soo xidhaay, haday mujaahi-diin sheeg-taan ( waa midh subxaana-laahi iyo waxaan meesha qaban maaha), taariikh-duna kuwii dhabta ahaa bay banka soo dhigay-saaye, ee ragga maanta wax walba sheegtay, siddii islaantii " Rubaabi" ee colaadda beesha gaar gaar heshiiska ku ahi (Waa raggii ma adigaa ka hadhay iyo geenyo shaaximane). Bal ha keeneen marxalad qudha oo loo tiriyo, ama xabad-ba qori ka rideen, tobankii sano ee halgankii SNM soconaayey.  * Maalmahan ugu dambeyey ee taariikh-du ahayd 17,18,19 ee bishan Oktobar 2019, waxan wayday sooyaalkii mujaahid Maxamed Xaashi diiriye (Ihun Lixle), ayaantuu dhashay ilaa iyo markii ay tii alle ku timi ee dagaalkii Burco-duurey. Markii ay faqash isugu qaylo dhaan iyo habar-wacasho dirsatay, uu ka dib halkaa ku shahiiday, kolkii cid u miciinta la waayey ( Rabbi raali ha ka ahaadee). kuwii lahaa  yaan loo gurman baa maanta ku lisanaaya. Xagay ku maqnaayeen kuwa cidladda ka helay, dalkii ragan hoos ku yaala ay durwaaga ka rideen, saw ayax umay gelin iyo dugaag jala-butaynaaya, waa kuwa Hargeysa ka sheegta Geesi-yadda ay balaayadu ka dhacdaye. Waxan leeyahay waxad tihiin baa iskaba yar, ee laabta baa been idiin sheegtay, oo idin tidhi waxad tihiin laayaano. dirxina kuma aydin joogsan, wax kale daayoo.


* Mujaahid Ibrahim kood-buur ( Ihun), halkii uu kala soo baxay Cabdilaahi askar, Markii sigaarka dhafoorka lagaga bakhtiiyey, ee lagu yidhi sheekha isaxaaqa aad sheegayaa wax ha kuu qabto, kii soo sheegay-na uu yahay " Raggii ma adigaa ka hadhay" kuwa sacabka  iyo durbaanka u tumaaya? Raganimadda imika lagu faanaayo, kolkaas ma ku jirtey, Waa kii Xarshin laxooxdda dumarka la dubi jiraye.

* Mujaahid Dhega-weyne markuu buurta sheekh, oo obocddii faqashta ahayd badh-tanka u fadhiistay, ku dilay Jihaadkii laga fadhiyi waayey" Geenyo shaaximan iyo ka uu kaba-qaadka u yahay, Maxay qabanayeen waa su'aale? Haduun bay af dheer oo kii maroodiga ah lala soo baxaye.

* Mujaahid Ahmed Mire markuu Burco ilaa iyo xeebta Sanaag uu gacanta ku dhigay, ee maanku kala soocmay, madaxa ay rasaastu kaga dhacday, ma farahay baruuryo ku siteen? Halkay joogeen,  saw may dhuuma-nayn? cidi-se wax maw diran jirtey?, Oo la iskuba halayn jirey? Ma qu'raan bay akhriya-yeen? Halkee bay dagaal ka galeen? Ee loo tiriyaa meel keliya haday carabka ku dhuftaan" Waa mujaahidiin dhab ah.

* Mujaahid Aadan-Cade (Ihun), Waxa uu ahaa kii  uh-ddii xaruntii ugu weyneyd ciidankii la odhan jirey 26naad galay, ee in jiifta iyo in joogta ka yeelay, ee indhaha waaqluhu kaga dhacay, Halkiina ku indho beelay. Raggii ma adigaa ka hadhay, wuxu ku andacoodaa Hargeysa baan ka dagaalamay? Markaa halkee buu ku aadanaa? Intuu geed deeb-leh dabadda xaska geliyey, buu hadeer lib rag leeyahay, uu isu dheji-nayaa siddii marabootii wax walba qabsan jirtey.

*  Mujaahid Maxamed Cali Waa kii Cadaadlaey galay, isaga iyo Talaate Codle, ee ay jibaaxeen saldhiggii labaad ee ku xigay 26naad, bal markii ragu is galay, kuwii muuqoodda la waayey miyaanay ahayn, ee Burco iyo Harggeysa laga baafinaayey, imika waxay ku sugan yihiin geeriddii tidhi " Qof meel waayey baan meel u baneeyaa"

* Mujaahdi Harag-waafi, Saw maaha Axamaaraddii uu jebiyey Geenyo Shaaximane, ee la soo qab-qabtay kii dhakhtarka duhurka cad kala baxay saw maaah, iyaku markaa ma xer-tabliiq ah bay ahaayeen, maxay meesha la joogeen ama ka ahaayeen? Bal is weydiiya.
* Mujaahid Cawil Cadami, Markuu diyaaradda xamar ka soo af-duuaby, iyaku qaadka bay ku cunayeen dir-dhaba iyo jig-jiga, 
* Mujaahi-diintii C/rahmaan Maxamed case, lixle iyo duuliye Xayd) waa raggii jabsaday Jeelkii mandheera.
* Mujaahid Ina saleebaan weyne ( Isna wuxu ahaa sarkaalkii ugu horeeyey, ku shahiiday halgankii baaq-saday, ee ay majara-habaabiyeen labadan askari ee bilaa maskaxdda ahi.

Nin dad qal ah baa meel uu ka ugaadhsan jirey, oo daaqsin wacan lahayd, ilayn xoolo ma tagaane, oo waa laga caymadaye, ummaddii wey ka qaxeene, baa mid lax dhukani abaar moog ah, baa dad-qalkii uu ku soo baxay, isaga oo reer dejinaaya, dabeed aad buu ugu farxay. Awrtii oo rarka laga dhigaayo buu u yimi ninkii reerka lahaa, wuxu ku yidh waar meesha maxaad reerka ugu daadisay, ( isaga oo aan isu sheegin in uu dad-qal yahay oo awggii looga yaacay), wuxu ugu jawaabay, adeer waligay-ba ma aan arag, halkan wax ka daaq badan, waxan oo kale ay ka soo baxeen. Dad-qalkii wuxu yidhi, meesha magaceedda waxa la yidhaahaa "Lama Dego", ee bal weynu eegiye iska daaq. Habeen-kiiba waaka isu soo daruuriyey, ee ilmo yar qaatay, ee madawggii kula dhuuntay, intuu meel ku soo xasaystay, buu reerkii oo bbaroor-diiq ku jira, u yimi oo uu ku yidhi, maxaa dhacay ee aad la qayli-naysaan? Waxay ku yidhaaheen, ilmo yar oo ardaaga hurdda baa saqddii dhexe lala baxsaday, oo qayladdii intaanu ku toosnay gaadhi weynay, wuxu yidhi markii aad degayseen baan idin idhi meesha waa laga qaxay, doogeedda ha arkina ee ka durka, sidaa awgeed:-

(1)  Markii hore Geeri go'an waaqla, bahalo galeen ah idinkaa degay.
(2) Mar labaad-kiina Tallo waad qaadan weydeen,
(3) Meel miciin la' ah baad reerkii furteen,  ee wixii idin-la kulma-ba  idinkaa is biday. waxan uga jeeddda idinkaa bahalo isu dhiibaye ka dabaasha hadaba.

Waxan ku soo xidhay,  waa sidda uu dad-qal- kaasi yidhiye, markii hore baad tallo xumaan aad ugu sacab garaacdeen laba tuug uu u soo xoolo doontay, waxay yidhaaheen siddii ilmihii raad dhaqaajinta haa " Dhulku maadh badanaa ma magaalo yar baa", markay wax kaste siddii musacaga-laydda leefeen, meeshu waxay noqotay lama dego, bello ku nooshahay, oo siddii macaan jecel sonkor loo daadiyey, hantiddii ummadda ku dikaday. ee idinkay idiin taalaa.
* N.B Askartii waxay tidhi " Dhulku Maadh Badanaa Ma Magaalo Yar Baa"
Qore:- Abdi-Shotaly.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...