Konton Sano Ka Hor 21 October Afgembigii Milatari Ee Ka Dhacay Soomaaliya Iyo Beelaha 25 Sarkaal Ee Hogaaminayey

0
Monday October 21, 2019 - 17:23:39 in News by
  • Visits: 5232
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Konton Sano Ka Hor 21 October Afgembigii Milatari Ee Ka Dhacay Soomaaliya Iyo Beelaha 25 Sarkaal Ee Hogaaminayey

    Konton Sano Ka Hor 21 October Afgembigii Milatari Ee Ka Dhacay Soomaaliya Iyo Beelaha 25 Sarkaal Ee Hogaaminayey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Konton Sano Ka Hor 21 October Afgembigii Milatari Ee Ka Dhacay Soomaaliya Iyo Beelaha 25 Sarkaal Ee Hogaaminayey

 


Beelaha 25-kii Sarkaal Ee Afgambiga Sameeyay 21 Oct.


Maxay BBC Somali ka Sheegtay Konton Guuradii Ka Soo Wareegtey 21 October 1969 oo ay Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya Afgambi Military ku Rideen Dawladdii Dadku Doortay ee Madaxweyne Ahun Cabdirashid Cali Sharma’arke oo Askari Toogosho ku Dillay 15 October 1969 iyo Raysal-Wasaare Ahun Mahamed Haji Ibrahim Egal?.

Related image


 

Haddaba Waxaan Su’aashaasi Hor-dhaca Qoraalkan uga Dhigay in aan ku Muujiyo:


  1. Isu Dheelitir La’aan ku Jirtey ka Sheekayntii Konton Guuradii Dawladdii Militariga ahayd ee Ahun Sareeye Gaas Maxamed Siyaad Barre Hogaaminaayey 21 Sannadood, BBC ismay Barbar Dhigeyn: Wanaag iyo Xumaan Wuxuu Sameeyey Hogaankii Maxamed Siyaad Barre 21kii Sannadood Shar iyo Khayr Wixii uu Sameeyey ee Waxay BBC Somali Taariikhda Sheekadeedu Waxay u badnayd Dhanka Wanaagsan Laakiin Waxay ku Haboonayd in ay isbarbar dhigaan: Wanaag iyo Xumaan Si ay Da’yarto u hesho Taariikh Sax, una Muuqdaan Xumaanihii Dhacay ee Galaaftay Qarankii Soomaaliyeed.
  2. Waxaan Qodobkan 2aad ee Qoraalkaygan ku Muujinayaa in aan Sixitaan ku Sameeyo: Magacyada iyo Darajooyinka Ciidan ee ay Lahaayeen Markii ay La Wareeggeen Hogaaminta Awoodda Dalka 25kii Sarkaal Waana Sidan Hoose ee Qoraalkan ku Taxan:
  3. Sareeye Gaas Maxamed Siyaad Barre
  4. Sareeye Gaas Jaamac Cali Qoorsheel
  5. Sareeye Guuto Maxamed Caynaashe Guuleed
  6. Sareeye Guuto Xuseen Kulmiye Afrax
  7. Gaashaanle Sare Axmed Maxamuud Cadde
  8. Gaashaanle Dhexe Maxamuud Mire
  9. Gaashaanle Dhexe Salaad Gabayre Kadiye
  10. Gaashaanle Dhexe Maxamed Cali Samatar
  11. Gaashaanle Dhexe Cabdalla Maxamed Faadil
  12. Gaashaanle Dhexe Maxamed Sheekh Cismaan
  13. Gaashaanle Dhexe Cali Mataan Xaashi
  14. Gaashaanle Ismaaciil Cali Abokar
  15. Gaashaanle Axmed Saleebaan Cabdalle
  16. Gaashaanle Maxamed Cali Shire
  17. Gaashaanle Axmed Maxamuud Faarax
  18. Gaashaanle Muuse Rabile Good,
  19. Gaashaanle Faarax Wacays Dhuule
  20. Gaashaanle Maxamuud Geelle Yuusuf
  21. Dhamme Axmed Xasan Muuse
  22. Dhamme Maxamed Cumar Cabdi (Jees )
  23. Dhamme Cabdi Warsame Isaaq
  24. Dhamme Cismaan Maxamed Jeelle
  25. Dhamme Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar
  26. Dhamme Cabdilqaadir Xaaji Maxamed Masalle
  27. Dhamme Bashiir Yuusuf.

Waxaan halkaq idiinku Qoray Magacyada iyo Darajooyinkii Ciidan ee ay Lahaayeen 25kaasi Sarkaal.


Haddaba Waxay ila Noqotay in aan halkan ku Muujiyo isu Dheelitirka:


Gobolllada iyo Qabaa’ilka Soomaaliyeed Siday Xubnahaasi kala ahaayeen, Waana Sidan:

Daarood:


  1. Sareeye Gaas Maxamed Siyaad Barre Daarood Mareexaan

 Sareeye Gaas Jaamac Cali Qoorsheel Daarood Warsagali

 Gaashaanle Dhexe Maxamuud Mire Daarood Ogaadeen

 Gaashaale Dhexe Cali Mataan Xaashi Daarood Mareexaan

 Gaashaanle Axmed Saleebaan Cabdalle Daarood Dhulbahante

 Gaashaanle Maxamed Cali Shire Daarood Dhulbahante

 Gaashaanle Maxamuud Geelle Yuusuf Daarood Majeerteen

 Dhamme Maxamed Cumar-jees Cabdi Daarood Ogaadeen

 Dhamme Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar Daarood Majeerteen

 Dhamme Cabdilqaadir Xaaji Maxamed Masalle Daarood Mareexaan

Hawiye:

  1. Sareeye Guuto Xuseen Kulmiye Afrax Hawiye Abgaal

 Gaashaanle Sare Axmed Maxamuud Cadde Hawiye Abgaal

 Gaashaanle Dhexe Salaad Gabayre Kadiye Hawiye Abgaal

 Gaashaanle Dhexe Maxamed Sheekh Cismaan Hawiye Murursade

 Dhamme Cismaan Maxamed Jeelle Hawiye Xawaadle

 Dhamme Bashiir Yuusuf Hawiye Habargidir.

Isaaq:

  1. Sareeye Guuto Maxamed Caynaanshe Guulleed Isaaq Garxajis Habar-yoonis

 Gaashaanle Ismaaciil Cali Abokar Isaaq Habarjeclo

 Gaashaanle Axmed Maxamuud Faarax Isaaq Habar-awal

 Dhamme Axmed Xasan Muuse Isaaq Habarjeclo

Dir:

  1. Gaashaanle Muuse Rabiile Good Dir Samaroon

 Gaashaanle Faarax Wacays Dhuule Dir Ciise

 Dhamme Cabdi Warsame Isaaq Dir Gaadsan.

Beelaha Laga Tiro Badan Yahay:

  1. Gaashaanle Dhexe Maxamed Cali Samatar

 Gaashaanle Dhexe Cabdalla Maxamed Faadil Yamani.

Haddaba waaniga halkan ku Muujiyey Sida Loogu kala Badnaa Golahaasi Gobollo Beellona ay ka Maqnaayeen Meeshaba Sida: DIGIL IYO MIRIFLE ee Maanta Loo Yaqaan: Dawladda Koonfur Galbeed.

Afeefasho Taariikhdii Golihii Sare ee Kacaankii 21kii October 1969 ayaan in Run ah Soo Qoray ee Waa Sax ee Sidaa u Qaata. SIDII ROON RABBOO SOOMAALI WAAFAJI.

Cabdillaahi Cabdi Cumar Jawaan

 

Loading...
Loading...