Nuxurka Kulamo Uu Raysal Wasaaraha Soomaaliya La Qaatay Wasiirada Maaliyada Ee Dalalka Denmark Iyo Talyaaniga
Muqdisho(HWN):-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Washington kula kulmay wasiirka maaliyadda Netherlands, Wopke Hoekstra oo ay ka wada hadleen xoojinta xariirka labada dowladood ee qorshaha Soomaaliya deynta looga cafinayo.

Wasiir Wopke Hoekstra oo caddeeyay in dowladda Netherlands ay ka go’antahay in Soomaaliya ay ka caawiso gaarista barta go’aanka deyn cafinta, ayaa hoggaanka dowladda ku ammaanay siyaasadaha qaran ee ku saleysan danta shacabka Soomaaliyeed.
Kualnka ayaa qayb ka ahaa kulamo doceedyo xariir ah oo maantaRa’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu Washington kula yeeshay wasiirro maaliyadeed, madaxweynaha bangiga adduunka iyo mas’uuliyiin kale.
Dhinaca kale ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Washington ee dalka Mareykanka kulan kula qaatay wasiirka maaliyadda iyo dhaqaalaha dowladda Talyaaniga, Roberto Gualtieri.

Shirka ay yeesheen Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Roberto Gualtieri ayaa looga hadlay xoojinta xariirka labada dowladood iyo sii wadidda taageerada Talyaaniga ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Wasiirka maaliyadda iyo dhaqaalaha Talyaaniga ayaa ku celiyay in dowladda Talyaaniga oo xariir qota dheer oo soo jireen ah uu kala dhexeeyo Soomaaliya ay ka go’antahay in dowladda ka taageerto dib-u-dhiska dalka, gaar ahaan dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo cafinta deymaha dalka lagu leeyahay.

Kulanka ayaa qayb ka ahaa shir doceeydo uu Ra’iisul Wasaaruhu la qaadanayo mas’uuliyiinta ka qayb geleysa shirka sannadlaha ah ee Bangiga iyo hey’adda lacagta adduunka.


0 





